STARC Somalia oo qabatay Tababar Xirfadeed oo ku Saabsan Tiknoolajiyada iyo Adeegsiga Tamarta Qorraxda.

Xarunta Tababarada ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha (STARC Somalia), oo kaashanaya International Solar Alliance (ISA), ayaa si guul leh u soo gabagabeeyay tababar xirfadeed oo socday shan maalmood, kaas oo cinwaankiisu ahaa “Technical Training on Solar Technologies and Applications.” Tababarkan ayaa lagu qabtay xarunta STARC Somalia ee magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 11–15 July […]

Xarunta STARC iyo ISA oo soo gaba-gabeeyey tababbar xirfadeed

Xarunta Tababarada ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha (STARC Somalia), oo kaashanaya International Solar Alliance (ISA), ayaa si guul leh u soo gabagabeeyay tababar xirfadeed oo socday shan maalmood, kaas oo cinwaankiisu ahaa “Technical Training on Solar Technologies and Applications.” Tababarkan ayaa lagu qabtay xarunta STARC Somalia ee magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 11–15 July […]

Dayactirka iyo Horumarinta uu Mashruuca Abaartire ku sameeyey Ceel Biyoodka Deg-Elema oo yareeyey masaafadii ay dadka deegaanka u doonan jireen biyaha

Ceel-biyoodka deegaanka Deg Elema ee hoostagta magaalada Dhoobley, ee ay dhawaan hirgelisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha  Dowlad Goboleedka Jubaland,  ayaa hadda waxaa si toos ah uga faa’iideysanaya in ka badan 15 tuulo oo ay u badan yihiin haween iyo carruur. Mashruuca Abaartire (HoA Groundwater […]

Madaxda iyo Shaqaalaha oo isugu yimi Afur Wadareedka Sanadlaha ah si Xoojiyo Dadaallada wax looga qabanayo Abaarta dalka ka jirta

Caawa, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya ayaa qabatay Afur Wadareedkeedii Sanadlaha ahaa oo ay ka qeybgaleen hoggaanka sare iyo shaqaalaha Wasaaradda. Munaasabaddan oo sanad walba la qabto bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada, wadajirka iyo iskaashiga shaqo ee bahda Wasaaradda. Kulankan ayaa sanadkan ku soo beegmay xilli ay dalka ka […]

Ceelka Aato waxaa ka faa’iideysan doona qiyaastii 3000 oo qoys

“Ceelka Aaato ee la dayactirayo waxaa biyo nadiif ah oo la isku haleyn karo ka heli doona qiyaastii 3,000 oo qoys, sidoo kale waxa uu bulshada iyo xoolaha deegaankas ka taageeri doonaa in ay ka gudbaan abaarta hadda taagan,” waxaa sidaas yiri Liban Aw-Khalif, Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Koonfur Galbeed. […]

“Ceelkan waa hanti dadweyne” — Hoggaamiyeyaasha Deegaanka Aato oo Adkeeyey Ilaalinta iyo in si siman looga wada Faa’iideysto Ceelka

“Ceelkan waa hanti dadweyne,” ayay si wadajir ah u sheegeen hoggaamiyeyaasha deegaanka Aaato, iyagoo ku adkeeyey bulshada muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo, lana hubiyo in si siman oo caddaalad ah looga wada faa’iideysto. Hoggaamiyeyaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in ceelkani yahay mid u adeegaya dhammaan bulshada, haddii ay ahaan lahaayeen qoysaska, xoolo-dhaqatada ah, ama […]

DAAWO: Sarkaalka Arrimaha Bulshada Mashruuca Abaartire oo tilmaamay in dayactirka Ceelka Aato yareyn doono culeyska abaarta taagan

Dayactirka iyo horumarinta Ceelka Aaato waxa uu dabooli doonaa baahida biyaha ee muddada dheer ka jirtay deegaanka, iyo sidoo kale abaarta hadda taagan,” ayuu yiri Yusuf Cali, Sarkaalka Arrimaha Bulshada ee Mashruuca Abaartire, mar uu ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga ceelka. Mashruucan muhiimka ah ayaa loogu tala-galay in looga jawaabo baahida biyaha ee dadka iyo xoolaha […]

Dayactirka iyo Horumarinta Ceelka Aato oo bilowday

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Koonfur Galbeed ayaa deegaanka Aato ee hoos timaada degmada Rabdhuure ka bilwoday dayactirka iyo horumarinta ceel muhiim u ah dadweynaha iyo xoolaha halkaas ku dhaqan. Wasaaradda, waxaa fulinta mashruucan u xil-saaran Mashruuca Abaartire (HoA Groundwater for Resilience Project) oo uu maalgaliyo […]

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐦𝐚𝐫𝐭𝐚 & 𝐊𝐡𝐞𝐲𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐎𝐨 𝐊𝐚 𝐐𝐞𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐤𝐚

Addis Ababa, Febraayo 16, 2026: Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame oo qeyb ka ah wafdiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay shir Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika. Meertada 39-aad oo looga dhigay mowduuc Xaqiijinta Helidda Biyo Waara iyo Nidaam Fayo-dhow oo sugan si […]

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved