Kulanka Wasaaradda & Shirkadaha

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyradka Biyaha XFS Mudane Jama Taqal ayaa kulan la yeeshay shirkadaha ka shaqeeya Tamarta Solarka, kulankaas oo daarnaa is-xog waraysi ku saabsan howlaha Tamarta Solarka, qorshayaasha hortebinta u leh Wasaraadda iyo sidii shirkadaha doorkooda ugaga qaadan lahayeen Qaabeynta suuqa Korontada Wadanka.

Shirka wadatashiga Ansixinta warbixinta qiimaynta baahiyaha waaxyaha Tamarta ee Wasaaraddaha tamarta iyo khayraadka biyaha ee dawlad gobaleedyada iyo Istiraatiijiyadda awood dhiska

Kismaayo: 30 Agoosto, 2023: Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha ee Dowladda goboleedka Jubaland Mudane Axmed Xuseen Baraki oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha ee xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cabdirisaaq Maxamed Muxumad ayaa soo xiray Shirka wadatashiga Ansixinta warbixinta qiimaynta baahiyaha waaxyaha Tamarta ee Wasaaraddaha tamarta iyo khayraadka biyaha ee dawlad gobaleedyada iyo Istiraatiijiyadda awood dhiska.

Maareeyaha iyo Maareeye Xigeenka Haay’adda Koranta ayaa kulan Xog waraysi ah la yeesha Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha

Muqdisho: 31, Luuliyo.
Maareeyaha Hay’adda Korantada Qaranka Mudane Abdullahi Ahmed Dayib oo ay weheliyaan Maareeye Ku Xigeenka Hay’adda Mohamed Ibrahim Muuse, iyo sii hayaha Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Abdifatah Abshir Ibrahim, ayaa kulan laqaatay Unugga Fulinta Mashruuca Dib Usoo Kabashada Korantada Dalka (ILAYS).

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved