Garoowe, Sebteembar 14, 2025 – Waxaa magaalada Garoowe ee ah xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ka qabsoontay munaasabad uu mashruuca Dib-u Kabashada Korontada Soomaaliya (SESRP) ku soo bandhigayey saxiixa qandaraaska iyo wareejinta Goobaha Dab-dhalinta Konrontada ee shirkadaha NECSOM iyo NEPCO.
Shirkadahan ayaa ka faa’iideysan doona mashaariic ay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS ku maal-galineyso Tamarta laga dhaliyo cadeedda , lagana fulin doono magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullahi Xasan Aadan oo si weyn ugu mahadceliyey madaxda Puntland ee sida habsamida leh u qaban-qaabisay xafladdan ayaa tilmaamay ahmiyadda ay mashaariicdan u leeyihiin magaalooyinka bulshada Garoowe iyo Gaalkacyo ku nool, una horseedi doonaan horumar maadama qiimaha korontada ee hadda sicirkeedu aadka u sarreeyo ay mashaariicdani hoos u dhigi doonaan marka lagu dhammeystiro muddo 12 bilood guduhood ah.
Dhinaca kale, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee Dowlad Goboleedka Puntland, LIiibaan Muuse Boqor waxa uu si weyn u soo dhaweeyey horumarka muuqda ee uu sameeyey mashruuca SESRP isaga oo uga mahadceliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS iyo Bangiga Aduunka sida wanaagsan ee ay uga soo shaqeeyeen taabagalka mashruucan.
Munaasabadda oo uu soo xiray Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland ayaa lagu saxiixay laba qandaraas oo laga fulin doono magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.
-Hoos ka daawo kalmada Agaasimaha Guud ee uu ka jeediyey munaasabadda.