Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo Maanta Si Rasmi ah u Daah furtey Bixinta Shatiga Shirkadaha Adeegga Korontada Dalka.
Munaasibad ayso qaban qaabisey Hay’adda Korontada Qaranka ayaa si rasmi ah loogu daah-furey qaab-dhismeedka iyo bixinta shatiga shirkdaha korontada.
Waaxanna kasoo qeyb galay, isla markaana Daah-furay Ra’iisul Wasaare K\Xigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jamac, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Abdillahi Bidhaan Warsame, Wasiiro Xildhibaano iyo Marti sharaf kale.
Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in la soo bandhigo lana faahfaahiyo qaab-dhismeedka cusub ee shatiga shirkadaha adeegga korontada dalka kaasoo ah waajibaad muhiim ah oo ay Haya’dda Korontada Qaranku u qaabil santahay Qaranka.
Qaab-dhismeedkan waxaa ku jira xeerar, habraacyo, iyo shuruudaha loogu talagalay in kor loogu qaado hufnaanta iyo kalsoonida Adeegyada korontada.
Maareeyaha Hay’adda Korontada Qaranka Mudane Abdullahi Ahmed Dayib ayaa faah faahinka bixiyey qaabka ay u bixin donan ruqsadaha iyo sida ay ulla shaqayndoonan Shirkadaha Madaxa banan ee bixiya Adeegga korontada.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Abdullahi Bidhaan Warsame Ayaa dhankiisa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in shirkadaha korontadu helaan Shatiga Dowllada kaas oo wax badan ugga tari doona horumarinta shaqada iyo sidii ay Dowllada uggu xirmi la haayeen Wasiirka ayaa shirkadaha korontada ku aamaney sida ay uga so baxeen shurudihii looga baahna isla maantana aysiin donan ruqsadaha intii diyaar u ah.
Ra’iisul Wasaare K\Xigeenka XFS Salax Axmed Jamac ayaa kalmadiisa furitanka ku sheegay inay muhiim tahay isla shaqaynta Hay’adda Korontada Qaranka iyo shirkadaha madaxa banan ee bixiya korontada isago sheegay in loo baahan yahay ka shaqaynta sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen koronto tayo leh dadka danyarta ahina Adeegsan karaan Dhanka kalena Wasaarada Tamarta ayuu ku Amaaney shaqada muga leh ee ay hayaan Dadka iyo Dowllada Soomaaliyeed.
Uggu Dambayn, Ra’iisal Wasaare K/xigeenka iyo Wasiirka Tamarta XFS ayaa gudoon siiyay Rukhsadaha qaar ka mida Shirkadaha korontada Ee Dalka.