Mudadii saddexda sano ahayd ee la soo dhaafay, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha waxa ay si xooggan diiradda u saartay horumarinta kaabayaasha muhiimka ah ee biyaha iyo tamarta, iyada oo mudnaanta siinaysa u adkeysiga iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.
- Waxaa la hirgeliyay 35 biyo-qabad iyo xalal dabiici ah oo taageeraya yareynta khataraha ka dhalanaya abaaraha iyo fatahaadaha.
- Magaalada Beledweyne waxaa laga dhisay 40 kaabayaal ka hortaga fatahaadaha, si loo xoojiyo difaaca bulshada ee fatahaadaha soo noqnoqda.
- Waxaa la rakibay 13 AWS, 10 qalab cabbira roob gacanta ah, 9 saldhig synoptic ah, iyo 4 radar cabbira heerarka wabiga si loo helo xog sax ah oo ku dhisan xaaladda biyaha.
- In ka badan 91,696 guri ayaa ka faa’iidaystay biyo la ururiyey oo taageeraya nolol maalmeedka iyo wax-soosaarka bulshada.
- Dhanka tamarta, waxaa si xoog leh loo hirgeliyay tamarta is-cusboonaysiisa (solar iyo BESS), iyada oo lagu daray daraasado iyo qorshayaal mustaqbalka fog ah oo loogu talagalay yareynta ku-tiirsanaanta tamarta qaali ah.
Guud ahaan, in ka badan 3.8 milyan oo qof ayaa ka faa’iiday waxqabadka biyaha iyo tamarta mudadaas saddexda sano ah.
Hoos ka daawo muuqaalka: