Muqdisho, 2, Luulyo 2024:- Haya’dda Korontada Qaranka ayaa maanta qabatay kulan wadatashi oo ku saabsan hannaanka bixinta Rukhsadaha shirkadaha adeegga korontada. Wadatashidagan oo socon doona 2maalmood, ayaa waxaa kasoo qayb galay shirkadaha adeega korantada bixiya ee Magaalada Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.
Maareeyaha Guud ee Haya’dda Korontada Qaranka Mudane Abdullahi Axmed Dayib ayaa daahfuray shirka isaga oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Md. Mohamed Abdullahi, Maareeye Ku xigeenka Haya’dda Korontada Qaranka Md. Mohamed Amiin Ibrahim, iyo Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Eng. Abdifatah Abshir.
Haya’dda iyo shirkadaha adeega korontada bixiya ayaa ka wadatashan doona mudo 2 maalmood ah, habraaca fulineed ee bixinta shatiyada, sidoo kale waxaa laga wadatashan doonaa dhaqan-galinta buuxda ee Xeerka Korontada iyo Xeer-nidaamintiisa.
Mudada wadatashigan uu socdo ayaa waxaa sidoo kale la lafaguri doonaa qorshayaasha dib-u-qaabaynta suuqa korontada iyo xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee shirkadaha korontada iyo hay’adaha dawladda.