kulanka Wadatashiga iyo iskudubaridka oo ku saabsan Howlaha African Mini-Grid Program (AMP) oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho, Oktoobar 06, 2025: Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS ayaa Muqdisho ku qabatay kulan isugu jiray wadatashi iyo iskudubarid (Workshop) ku saabsan Howlaha African Mini-Grid Program (AMP) – Somalia.

Shirkan oo soconaya muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa daahguray Wasiiru Dowlaha Wasaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Md. Maxamed Abdullahi Fara.

Wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyey ahmiyadda uu Wasaaradda iyo dalkaba u leeyahay Hawlaha African Mini-Grid Program (AMP) – Somalia, iyo waliba doorka uu ka qaadan karo koronta siinta reer miiga iyada oo loo marato koronto gelinta kooban ee lagu fulin doono tijaabada mashruucan.

Dhinaca kale, Wasiiku waxa uu u mahadceliyay dhammaan qeybaka kala duwan ee kulankan ka soo qeyb-galay ee ay ka midka yihiin shirkadaha gaarka loo leeyahay, Agaasimeyaasha ee Dowlad Goboleedyada, UNDP iyo dhammaan daneeyeyaasha kale ee Tamarta La Cusbooneysiin karo iyo Koronto Gelinta Kooban ee dalka, kuwaas oo lagu horumarinayo tamarta cagaaran.

Ugu dambeyn, ka soo qeyb-galeyaasha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda dadaallada ay wado, waxa ayna hoosta ka xarriiqeen in ay diyaar u yihiin in ay kaalintooda qaataan.
qaataan. 

Previous WAR SAXAAFADEED: XARIG-JARKA KORONTO-GELINTA 150 XARUMO CAAFIMAAD EE DADWEYNAHA

Leave Your Comment

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved