Kulanka Wasaaradda & Shirkadaha

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa la kulantay shirkadaha ka shaqeeya Tamarta Solarka

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyradka Biyaha XFS Mudane Jama Taqal ayaa kulan la yeeshay shirkadaha ka shaqeeya Tamarta Solarka, kulankaas oo daarnaa is-xog waraysi ku saabsan howlaha Tamarta Solarka, qorshayaasha hortebinta u leh Wasaraadda iyo sidii shirkadaha doorkooda ugaga qaadan lahayeen Qaabeynta suuqa Korontada Wadanka.
 
Kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhagaysatay qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeeggayada Tamarta Solarka iyo Daladda Shirkadaha Tamarta iscusbooneysiisa, iyada oo sidoo kale meesha lagu soo bandhigay caqabadaha haysta Shirkadaha ka shaqeeya suuqa Tamarta Cadceeda dalka iyo sidii loogu wadashaqaynlahaa.
Wasiirka ayaa ugu dambeyntii kula dardaarmay shirkadaha in ay laba jibaraan howlaha ay u hayaan bushada somaliyeed sidookalena wasaradda si dhow ula shaqayn doonto kana warhayndoonto hadba xaaladda ay ku suganyihiin Shirkadaha Tamarta Solarka.

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved