October 8, 2023 - In Publication , Report , Reserch , Strategy

WAR SAAXAFADEED
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka gaartay in muddo sodon sano ah kadib ah markii ugu horreysay la soo saaro Siyaasadda Qaran ee Adeegga Saadaasha iyo Kormeerka Biyaha ee Soomaaliya iyo qorshe-fulineedka hirgelinta siyaasadda. Wasaaraddu waxay qabatay kulan looga doodadayo siyaasadda si loo ansixiniyo tiirarka, hababka iyo istraatiijiyadda ay ku taagan tahay siyaasadda Qaran ee Adeegga Saadaasha iyo Kormeerka Biyaha 26 iyo 27di Agoosto, 2022. Aqoon-is-weydaarsigan ayaa isku keenay siyaasad-dejiyeyaal iyo hawl-wadeenno kala duwan si ay dib-u-eegis ugu sameeyaan qabyo-qoraalka koowaad ee siyaasadda.

Ka qayb galeyaasha ayaa ka kala yimid Hay’adaha dawladda, qeybaha kala duwan ee bulshada, Hay’adaha gaarka loo leeyahay, Deeqbixiyayaal, Qaramada midoobe iyo Hayadaha samafalka ka shaqeeya taas oo ah mid si weyn uga tarjumaysa wada shaqeynta hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka ah. Wafdiga ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa wakiillo ka kala socday wasaaradaha Federaalka iyo kuwa dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, UNDP, UNICEF, FAO, SWALIM, SWEDEN, aqoonyahanno iyo hay’ado aan dowli aheyn. Wasaaradaha dawladda faderaalka ee shirkan ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa: Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, iyo Agaasinka Deegaanka.

  • War Saxaafadeed - Adeegga Saadaasha iyo Kormeerka Biyaha-August 2022 pdf (136kb) [ download ]

Leave Your Comment

Follow Us

MoEWR

Address: Bondhere District, Mogadishu, Somalia.

Sat– Thu: 8:00 am – 6:00 pm

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved