Shirka Golaha Maamulka Hay’adda Korontada Qaranka ayaa ka Qabsoomay Magaaladda Muqdisho.
Muqdisho, 27, Luulyo 2024: -Shirka Golaha Maamulka Hay’adda Korontada Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho. Shirkan oo socon doona mudo saddex maalmood ah ayaa waxaa furitaankiisa goob-joob ahaa Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Abdillahi Bidhaan Warsame, Gudoomiyaha Golaha Maamulka Mudane, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Korontada Qaranka Mudane Abdullahi Dayib Axmed, Maareeye K/xigeenka Haya’dda Korontada Qaranka Mudane Maxamed Aamin, iyo dhamaan xubnaha Golaha Maamulka Haya’dda Korontada Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Abdillahi Bidhaan Warsame oo furay shirka Golaha Maamulka Haya’dda Korontada Qaranka ayaa ugu horayn u mahadceliyay Gudoomiyaha Golaha iyo dhamaan xubnaha maamulka Haya’dda iyo Maareeyaha Haya’dda shaqada wanaagsan ee ay wadaan iyo dadaalada lagu nidaaminayo suuqa korontada Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale Haya’dda Korontada ku bogaadiyay bixinta rukhsaddaha shirkadaha adeega korontada oo Haya’ddu Daahfurtay 20 kii Bisha Luuliyo. Wasiirku wuxuu sidoo kale xoojiyay muhiimadda hagida Golaha Maamulka Haya’dda ee ku aaddan gaaritaanka yoolalka istiraatiijiyadeed ee Haya’dda Korontada Qaranka ee ah Fulinta Sharciga Korontada Qaranka, Bixinta Rukhsaddaha Shirkadaha Adeega Korontada iyo Nidaaminta Suuqa Korontada Soomaaliya.
Maareeyaha Guud ee Haya’dda Korontada Qaranka mudane Abdullahi Dayib Axmed ayaa sidoo kale u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Gudoomiyaha iyo xubnaha Golaha Maamulka Haya’dda, isagoo hoosta ka xariiqay guulaha Haya’ddu gaadhay iyo qorshayaasha xiga ee Haya’ddu ku nidaamin doonto Suuqa Korontada Soomaaliya, iyo hawlaha hortabinta u ah Haya’dda ee ay ugu horeeyaan hirgalinta sharciga korontada Soomaaliya.
Maareeye K/xigeenka Haya’dda Korontada Qaranka Mudane: Maxamed Aamin ayaa soo jeediyay warbixin ku saabsan shaqooyinka Haya’dda u qabsoomay oo ay ugu waawayn yihiin daahfurka iyo bixinta rukhsaddaha shirkadaha adeega korontada iyo wadatashiyadii muhiin ka ahaa ee ay Hay’addu la samaysay shirkadaha adeega korontada bixiya iyo daneeyayaasha suuqa korontada.
Ugu dambayn, Golaha Maamulka Hay‘adda ayaa guda-galay agendayaasha kulan kooda.