Qaahira, Masar- 17-ka Oktoobar 2025: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mud. Mohamed Abdullahi Farah iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Soomaaliya ku matalay ka qaybgalka Shirweynhaa 8-aad ee Todobaadka Biyaha ee Qaahira (2025). Shirkan oo diiradda lagu saarayay sannadkan “Xalalka Hal-abuurka leh ee Adkeysiga Cimilada iyo Joogteynta Biyaha”.
Shirweynaha Todobaadka Biyaha ee Qaahira oo sannad kasta la qabto ayaa ah madal cilmiyeed iyo barkulan hormuud u ah isu keenista saraakiisha, khubarada, iyo mas’uuliyiinta sar-sare ee dalalka carabta iyo adduunka ba si ay isku dhaafsadaan aragtiyada iyo waaya-aragnimada kuwaas oo kor loogu qaadayo iskaashiga si loo gaaro amniga iyo sugnaanta biyaha caalamiga ah iyo yoolasha horumarka waara.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo khubarada heer farsamo ayay u suurta gashay inay ka qayb-galaan kulamada guud ee shirka, kulan-doceedyo muhiim ah iyo sidoo kale kulamada heer farsamo iyo heer wasiir ee Kulan-waynaha Wasiirada Biyaha iyo Beeraha ee Wadamada Jaamacadda Carabta. Iyaga oo inta badan xoogga saaray maareynta biyaha, iskaashiga caalamiga ah ee kheyraadka la wadaago, iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha JFS waxay shacabka Soomaaliyeed la wadaagaysaa in intii lagu guda jiray kulan-waynaha aan soo bandhignay dhibta, horumarka iyo yoolasha ilaa haatan la gaadhay iyo hawlaha hortabinta u leh horumarinta kaabayaasha biyaha ee Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka carabta. Intii uu shirwaynuhu socday, ayay u suurta gashay Wasiirka iyo wefdiga uu hogaaminayey ayay u suurta hawlahan hoos ku xusan;
1. kulamada heer Wasiir ee Wasiirrada Biyaha iyo Beeraha ee wadamada Jaamacadda Carabta,
2. kulan rasmi ah oo dhexmaray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Waraabka ee dalka Masar taas oo ay weheliyeen khubaro-farsamo oo labada dhinac ba ah. Kulankan ayaa gogol-xaadh u noqon doona heshiis is-afgarad oo loo madlan yahay in dhawaan ay qalinka ku duugaan labada dhinac,
3. Ka qaybgalka shirka 7-aad ee arrimaha biyaha iyo beeraha ee wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta kaas oo lagu soo bandhigay doodo iyo cilmi-baadhisyo diiradda saaraya arrimaha beeraha, waraabka iyo maareynta biyaha.
Gabagabadii, Waxaa guul ku soo dhamaaday Shirweynhaa 8-aad ee Todobaadka Biyaha ee Qaahira (2025) iyada oo Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ay u ahayd fursad muhiim ah horumarinta maareynta kheyraadka biyaha iyo xoojinta iskaashiga Wasaaradaha Biyaha iyo Beeraha ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta.
——𝑫𝑯𝑨𝑴𝑴𝑨𝑨𝑫—–





