Muqdisho, 1 Oktoobar 2025: Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ay weheliyaan Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xil. Cabdillahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo masuuliyiin kale ayaa maanta xarigga ka jaray 150 xarumood oo caafimaad oo lagu xiray koronto nadiif ah oo qorrax-ku-saleysan (Solar + nidaam keydiye casri-ga ah).
Mashruucan waxa maalgelinaya Bangiga Adduunka, waxaana fulinaysa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, taasi oo ujeeddadu tahay in la yareeyo kharashka korontada, loo hubiyo adeeg caafimaad oo joogto ah habeen iyo maalin, lana suurtogeliyo isticmaalka qalabka caafimaadka iyo qaboojinta dawooyinka/tallaallada.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu si rasmi ah u xarig jaray korontada Isbitaalka Martiini, isagoo ku booriyay maamulka iyo dhammaan xarumaha caafimaadka in ay ka faa’iideystaan nidaamka la rakibay si ay bulshada u helaan adeeg tayo sare leh
Agaasimaha Guud ee WTKHB, Cabdullahi Hassan Adan iyo Mareeyaha Hay’adda korontada Qaranka Mudane Abdullahi Dayib, waxa ay xuseen in iskaashiga Wasaaradda iyo Bangiga Adduunku uu hormuud u yahay casriyeynta adeegga korontada dalka, Maareeyaha Mashruuca, Liban Ibrahim, ayaa faahfaahiyay qaybaha farsamo iyo goobaha ka faa’iidaystay korontada cadceedda, Dr. Fartun Sh. Maxamed (Agaasimaha Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir) waxa ay xustay in isbitaalku hadda helo koronto 24 saacadood, taas oo meesha ka saartay kharashaadkii badnaa ee ku bixi jiray korontada qorshaha fog ee Isbitaalkuna ay tahay in kharashaadka u baaqday lagu horumariyo adeegyada caafimaadka isbitaalka.
Mas’uuliyiin kale, oo ay ka mid yihiin Madaxa Hormuud Salaam Foundation iyo Wasiirka Tamarta ee Galmudug, ayaa iyaguna bogaadiyey saamaynta togan ee mashruucu ku yeeshay adeegyada bulshada, Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda, Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in mashruucu yareeyay culayskii dhaqaalaha ee korontadu ku haysay xarumaha bulshada ee dawliga ah.
Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, waxa uu sheegay in nidaamka cusub uu leeyahay dayactir 2-sano ah, isla markaana Wasaaraddu ay diyaar u tahay in ay si dhamaystiran ula wareegto masuuliyada qalabka lagu rakibay xarumaha caafiimaadka sidoo Kalena ay u diyaarisay waax ka shaqeen doonta dayactirka iyo ilaalinta qalabka si bulshada soomaliyeed ay mudo dheer u uga faa’iideystaan.
Wasiirka WTKHB, Xil. Cabdilaahi Bidhaan Warsame, ayaa ku dhawaaqay in bishan October la dhamystiri doono koronto-gelinta 215 xarumood oo waxbarasho, taas oo horseedi doonta in ilaa 365 xarumood (caafimaad & waxbarasho) la dhammaystiraya koronto gellintooda sanadka 2025 inta uusan dhamaan.
Gebagebadii, Ra’iisul Wasaaruha waxa uu ku dhiirrigeliyay shirkadaha korontada ee gaarka loo leeyahay in ay si dhow ula shaqeeyaan Dowladda, si loo dardargeliyo yoolasha horumarineed, loona hubiyo in malaayiinta doollar ee hore ugu bixi jirtay koronto iyo shidaal loo leexiyo tayaynta adeegyada kale ay bulshada u hayaan. Dhanka kale waxa uu Raysal Wasaaruhu kula dardaarmay in Wasaarada caafimaadka looga fadhiyo la wareegida masuuliyada iyo dayactirka goobaha caafimadka ee koronto galinta loo sameeyay, ay hada wixii ka danbeeyana dowladu kula xisaabtami doonto. Ugu dambayntii, Raysal Wasaaraha ayaa abaalmarin/shahaado guddoonsiiyay WTKHB iyo Waaxda Fulinta ee Mashruuca Dib-u-Kabashada Korontada Soomaaliya.

——DHAMMAAD—–