WASAARADDA OO QABATAY SIMINAAR KU SAABSAN QARIIREYNTA & BIYAHA DHULKA HOOSE

Muqdisho, 12 Febraayo, 2026: Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS ayaa guul ku soo gunaanaday Siminaar heersare ahaa oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho. Tababbarkan oo uu qaban-qaabiyey Mshruuca Abaartire (HoA Groundwater for Resilience) ayaa ka koobnaa ANSIXINTA Qariireynta iyo Soo saarista Biyaha Dhulka Hoose iyo tababbar dhinaca farsamada ah oo quseeya isticmaalka adeegga mareegta (Web Services) si loo sugo amniga biyaha Soomaaliya ee muddada dheer.

𝙈𝙖𝙖𝙡𝙞𝙣𝙩𝙞𝙞 𝙆𝙤𝙬𝙖𝙖𝙙

Siminaarka oo ay ka soo qeyb-galeen kaadir ka kala socday Wasaaradaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, xubno ka tirsan Bangiga Aduunka, shirkadaha bixiya Adeegga Biyaha iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa bilowday 11-kii bisha Febraayo 2026. Mowduuca maalinta kowaad ayaaa ahaa Qariiyenta iyo soo saarista Biyaha Dhulka Hoose iyo, in si waara loo horumariyo Biyaha Dhulka Hoose ee dalka.

𝙈𝙖𝙖𝙡𝙞𝙣𝙩𝙞𝙞 𝙇𝙖𝙗𝙖𝙖𝙙

Tababbarka waxa uu xoogga saaray maalintii labaad, 12kii Febraayo 2026, U Adeegsiga Mareegta Maamulka Biyaha Dhulka Hoose (Web Service Use for Groundwater Management). Waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray in khuburada kala duwan ee qeybta ka ahaa Siminaarka oo ay ugu horreeyaan kuwa ka socday Wasaaradaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in loo tababbaro xifradda Dijitaalka ee aas aaska u ah isticmlaaka Aaaladaha Mareegta, taas oo sahleysa in si hufan qiimeyn iyo kor-joogteyn loogu sameeyo Biyaha Dhulka Hoose.

Barnamaijkan muhiimka ah waxaa suuragaliyey taageerada Bangiga Aduunka iyo Farsamada Sahan Pioneers iyo Regional Centre for Mapping of Resources for Development (RCMRD).

Gunaanad: Siminaarkan socday labada maalmood ee sida guusha ah ku soo dhammaaday, waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xaqiijinta sugnaanta iyo amniga biyaha dalka. Isku-xirka Qariireynta Biyaha Dhulka Hoose oo si heersare ah loo sameeyey iyo adeegyada Digitaalka ee ku dhisan Mareegta, kuwaas oo Soomaaliya ka dhigaya mid u diyaarsan u adkeysiga Isbedelka Cimilada iyo in, si waara ay uga faa’iideysataan Biyaha Dhulka Hoose Jiilasha maanta iyo kuwa berri.

Previous 𝐖𝐀𝐑-𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃: 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗼𝗼 𝗞𝘂 𝗕𝗶𝗶𝗿𝘁𝗮𝘆 𝗛𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗕𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗶𝗱𝗼𝗼𝗯𝗮𝘆 (𝟭𝟵𝟵𝟮): 𝗧𝗮𝗹𝗹𝗮𝗮𝗯𝗼 𝗧𝗮𝗮𝗿𝗶𝗶𝗸𝗵𝗶 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗟𝗮𝗴𝘂 𝗫𝗼𝗼𝗷𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗞𝗵𝗲𝘆𝗿𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗕𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗜𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮

Leave Your Comment

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved