๐–๐€๐‘-๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ: ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ž๐˜‚ ๐—•๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—›๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐— ๐—ถ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐˜† (๐Ÿญ๐Ÿต๐Ÿต๐Ÿฎ): ๐—ง๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ ๐—ง๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ธ๐—ต๐—ถ ๐—ฎ๐—ต ๐—ผ๐—ผ ๐—Ÿ๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—ซ๐—ผ๐—ผ๐—ท๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—œ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ž๐—ต๐—ฒ๐˜†๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—œ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ

Muqdisho, Soomaaliya โ€“ 23 Oktoobar 2025: Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u bogaadineysaa Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha, ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Dan-Qaran, kuwaas oo si aqlabiyad leh u ansixiyey ku biirista Soomaaliya ee Heshiiska Ilaalinta iyo Isticmaalka Webiyada iyo Harooyinka Caalamiga ah (1992), oo loo yaqaan Heshiiska Biyaha ee Qaramada Midoobay.

Ku biirista heshiiskan caalamiga ah waxay Soomaaliya u horseedaysaa fursado istiraatiiji ah oo dhinacyo badan leh:

Faaโ€™iidooyinka Ku Biirista Heshiiska:

Ilaalinta Tayada iyo Tirada Biyaha Xuduudaha Dhaafsan

– Waxaa la xoojinayaa awoodda Soomaaliya ee ilaalinta tayada biyaha, iyadoo la yareynayo wasakheynta iyo waxyeellada deegaanka.

– Waxaa la horumarinayaa maaraynta tirada biyaha si loo hubiyo in ay ku filan yihiin baahiyaha bulshada, horumarka dhaqaalaha, iyo badbaadada jiilalka soo socda.

Iskaashi Wanaagsan oo Dalalka Wadaaga Webiyada

– Soomaaliya waxay si rasmi ah uga mid noqonaysaa madal caalami ah oo lagu wadaago xogta, farsamooyinka, iyo mashaariicda biyaha.

– Waxaa la dhisayaa xiriir adag oo lala yeesho dalalka dariska ah, taasoo horseedi karta iskaashi waxtar leh oo ku saleysan cadaalad iyo masโ€™uuliyad wadaag.

Sumcad Caalami ah iyo Ka Qaybgal Firfircoon

– Ku biirista heshiiskan waxay muujinaysaa sida ay Soomaaliya uga goโ€™an tahay ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo la shaqeynta beesha caalamka.

– Tani waxay sare u qaadaysaa sumcadda Soomaaliya ee dhinaca maaraynta biyaha, taasoo dhiirrigelin karta maalgelin iyo taageero caalami ah.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa ku tilmaamay goโ€™aankan mid taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraya mustaqbal waara oo ku saleysan maarayn hufan, iskaashi goboleed, iyo ilaalinta kheyraadka biyaha ee la wadaago.

โ€” ๐——๐—›๐—”๐— ๐— ๐—”๐—”๐—— โ€”

Previous Somalia Weekly Streamflow & Rainfall Forecast Bulletin 21-27 Oct 2025

Leave Your Comment

Ministry of Energy and Water Resources ยฉ 2023. All Rights Reserved