Location
Saudi Arabia

WARBIXIN

SHIRKII 5AAD EE GOLAHA WASIIRADA BIYAHA WADAMADA CARABTA, RIYADH SUCUUDI CARABIYA,

19–22 November 2023.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha (WTKB) Mudane Maxamed CabdullaahiFaarax iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa kaga qayb galay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya. Shirka biyaha ee wadamada carabta ee la qabto sanad walba. Shirka oo ay marti galisay Wasaaradda.

Deegaanka, Biya iyo Beeraha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa halkudhiggiisu ahaa: Fursadaha iyo Caqabadaha laxiriira Yoolka 6aad ee yoolasha horumarka xalka waaro (sustainable development goal 6: challenges and opportunities. Yoolka 6aad ayaa ah mid quseeya arrimaha Biyaha. Shirka 5aad ee biyaha wadama carabta ayaa sanadkaan lahaa Yoolalka kala ah:

  1. Sare u qaadidda amniga biyaha wadamada Carabta iyadoo loo marayo barnaamijka maaraynta iskudhafka biyaha
  1. Dhisidda iyo awoodsiinta iskuxirka wadamada carabta, ururada caalamiga ah iyo xarumaha cilmi

barista si loo dardar galiyo gaaridda yoolasha horumarka xalka waaro Inta aanu billaaban shirka Golaha Wasiirada Biyaha ee Wadamada carabta oo ku asteeysnaa 22 Nov,

waxaa jiray kulamo ay isugu yimaadeen khuburada biyaha ee wadamada carabta oo lagu lafaguray

moowduuca shirka iyo xaaladda biyaha ee wadamada carabta. Waftiga Wasiirka oo ay kamid ahaayeen khuburada biyaha ee wasaaradda ayaa ka qaybgalay kulamadaas, sidoo kalana ka warbixiyay xaaladda biyaha ee dalka.

Khudbaddii Wasiiru-dowlaha WTKHB ee Shirkii Golaha Wasiirada Biyaha ee Wadamada Carabta

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax

ayaa ka jeediyay shirka golaha Wasiirada wadamada carabta, khudbo dhinacyo badan taabanaysay oo

uu kaga warbixiyay guud ahaan xaaladda biyaha ee dalka iyo gaar ahaan fatahaadaha burburiyay naf iyo maal ee ku dhuftay gobolo badan oo dalka ah. Wasiirka ayaa ugu horreeyn la wadaagay Golaha Wasiirada dhibaatooyinka kala duwan ee ay geeysteen fatahaadaha ka dhashay roobabka El Nino, isagoo soo bandhigay qasaaraha horudhaca ah, sida tirada guud ee ay fatahaaduhu saameeyeen, tirada dadka guryohooda ka barakacay, tirada dhimashada, kaabayaasha burburay, Dalagga iyo Beeraha waxyeeloobay iyo gobalada ay fatahaaduhu saameeyeen.

Wasiirka ayaa ka codsaday golaha in gurmad iyo garab istaag deg deg ah lagaarsiiyo dadka ku waxyeeloobay musiibadaas iyo in la iska kaashado sidii dib loogu soocelin lahaa kaabayaashii biyaha ee waxyeeloobay.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay horumarka laga gaaray dhanka biyaha asagoo soo bandhigay siyaasaadka iyo istaraatiijiyada ay wasaaraddu u dajisay biyaha, dhanka kalana la wadaagay dalalka Carabta khibradaha dalkeenu u leeyahay arrimaha Biyaha gaar ahaa horumarka laga gaaray yoolka 6aad ee yoolasha xalka horumarka waara.

Sidookale wasiirka ayaa xusay caqabadaha la xiriiro biyaha dalka iyo sidii looga gudbi lahaa.

Qodobada Quseeya Soomaaliya ee Shirka ka Soobaxay Gaba-gabadi shirka ayaa golaha wasiirada biyaha wadamada carabtu waxa ay ka soo saareen war murtiyeed meelo badan taabanayay. War murtiyeedka oo laga heli karo mareegta golaha iyo sidookale WTKB, waxaan kasoo qaadanaynaa qodobada sida gaar ah dalka u quseeyo, oo ay kamid yihiin:

  1. Golaha wasiirada biyaha wadamada carabta ayaa tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay fatahaadaha ba’an ee dalka ku dhuftay.
  1. Golaha ayaa faray in gurmad iyo garab istaag deg-deg ah la gaarsiiyo dadka soomaaliyeed ee naf iyo maalba ku waayay fatahaadadaha ka dhashay xaaladda cimilo ee El Nino. Golaha ayaa si gaar ah u faray hay’adaha iyo munadamaadka carbeed ee ka shaqeeyo gudaha Soomaaliya in ay si deg-deg ah uga hawlagalaan wax kaqabashada musiibadaas.
  1. Golaha ayaa baaq u diray cid walba oo gacan ka gaysan karta xaaladda bani-aadanimo ee ka jirta Soomaaliya. Kulamo Gooni-Gooni ah

Intii uu socday shirka, Wafdiga Wasiirka ayaa kulamo gaar ah layeeshay qaar kamid ah munadamaadka iyo hay’adaha wadamada carabta ee ka shaqeeya arrimaha biyaha. Wafdiga ayaa kulan mira dhal ah la qaatay Xarunta daraasaadka dhulka qalanan iyo lamadagaanada (Arab center for the studies of arid zones and dry lands—ACSAD). Labada dhinac ayaa ku heshiiyay iskaashi laga yeesho arimaha biyaha gaar ahaan horumarinta xogta biyaha.

Soogudbin Deg-Deg ah

Golaha ayaa ka codsaday wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha in ay soo gudbiso

  1. Kuxigeenka mumasilka ee golaha(focal point)
  2. Baahiyaha xogta biyaha

Geba-gebo

Shirka Biyaha Wadamada Carabta ayaa ku soo idlaaday guul iyadoo laga soo saaray qodobbo muhim u ah gaaridda yoolasha biyaha ee caalamiga ah iyo gaar ahaan wadamada carabta. Ajandayaashii ay WTKHB gaysay shirka ayaa dhammaantood la gudbiyay sidoo kalana laga gaaray guulo.

Golaha ayaa taageero u muujiyay xaaladda murugsan ee fatahaadaha ee ay soomaaliya waajahayso uguna baaqay in taageero deg deg ah lagaarsiiyo dadka dhibku gaaray

Previous Virtual Launch of the 8th Somalia Economic Update Nov 30

Leave Your Comment

Follow Us

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved