Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha oo booqday xarunta ugu wayn ee koronto-dhalinta Shirkadda BECO.
Muqdisho , Maarso 05,2024 , Agaadsiamaha Guud ee Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Mudane Abdullahi Hassan ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta dab dhalinta Shirkadda BECO, Agaasimaha iyo khubaradda Wasaaradda ayaa waxa ku so dhaweeyay xarunta masuuliyiinta shirkadda BECO oo ugu horeeyo Maamulaha Guud ee Shirakadda Mudane Abdirahman Dakharre, Madaxa Farsamada Eng.Mohamud Farax iyo mudane Abdinur oo ka mid ah hawladeenada sare ee shirkadda.
Wasaaradda iyo Shirkadaha adeega korontadda bixiya ayaa muddo sannad ah waday daraasad iyo qorshayaal maagaladda loogu samaynayo dib u qaabaynta qaab dhismeed ka suuqa korontadda magaalada iyo guud ahaan dalka.
Gaba gabadi, Agaasimaha ayaa goobata ku soo arkay shaqada balaaran ee ay shirkaddu qabatay tobanki sano ee la soo dhaafay taas oo uu uga mahad-celiyey maalgashada-yaasha soomaaliyeed adeega ay bulshadda u qabteen, si loo gaaro horumar kobac dhaqaale oo fure u noqon doona warshaddo, wax soo saar iyo shaqo abuur, sidoo kale waxa la isla qaatay sidii maalgelinta iyo deeqaha looga wada faa’iidaysan lahaa taas oo keenaysa in bulshadu hesho Tamar hufan, jaban isla markaana caasimadda iyo dalka oo dhan wada gaadha