Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, Mudane Cabdillaahi Bidhaan Warsame, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo lagu qabtay magaalada Beijing. Wasiirku wuxuu uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirrada iyo Waftiga uu Madaxwaynuhu Hogaaminayo, iyo Dowlada Shiinaha, iskaashigooda joogtada ah iyo taageerada horumarineed. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee horumarinta tamarta.
Intii uu khudbadda jeedinayay, Wasiirku wuxuu soo bandhigay warbixin guud oo ku saabsan mashaariicda horumarineed ee tamarta ee ka socda Soomaaliya, isagoo sharaxay heerka iyo horumarka laga gaaray tamarta Soomaaliya. Wasiirka ayaa si gaar ah u xusay baahida loo qabo maalgashiga tamarta dib loo cusboonaysiin karo, gaar ahaan tamarta cadceedda iyo dabaysha, si loo daboolo baahiyaha sii kordhaya ee tamarta Soomaaliya iyo in la taageero himilooyinka horumarineed ee waara. Wasiirku wuxuu ku booriyay maalqabeennada Shiinaha inay sahamiyaan fursadaha maalgashi ee ka jira tamarta Soomaaliya, isagoo xusay awoodda weyn ee dalka u leeyahay kobaca iyo faa’iidada iskaashiga labada dhinac.
Gabagabadii, Wasiirku wuxuu mar kale u mahadceliyey dhamaan ka qeybgalayaasha, isaga oo ku bogaadiyay wada shaqaynta iyo taageerada ay siiyeen horumarinta qaybta tamarta ee Soomaaliya. Wuxuu mar kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadida iskaashiga si loo xoojiyo hal-abuurka iyo korriinka dhaqaale iyo maalgashiga tamarta Soomaaliya.