Muqdisho, 22-September-2024: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Mohamed Abdullahi oo Daahfuray Tababar ku Saabsan Qaanuunka Caalamiga ah ee Biyaha.
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Hay’adda UNDP iyo Sanduuqa Deegaanka Adduunka (GEF), ayaa si rasmi ah u daahfurtay tababar shan maalmood socon doona oo ku saabsan Qaanuunka Caalamiga ah ee Biyaha.
Tababarkan waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda wasaaradaha heer federaal iyo dowlad goboleedyada, xubno ka socday hay’adaha madaxabannaan, iyo ardayda jaamacadaha. Inta uu socdo tababarku, waxaa diiradda lagu saari doonaa dhammaan qaybaha kala duwan ee Qaanuunka Caalamiga ah ee Biyaha, oo ay ka mid yihiin mabaadi’da madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo isticmaalka caddaaladda ku salaysan ee biyaha wadaagga ah.
Agaasimaha Waaxda Adeegga Saadaasha iyo Kormeerka Biyaha, Eng. Axmed Maxamed Xasan, ayaa faahfaahiyay muhiimada ay leedahay in si buuxda loo fahmo qawaaniinta biyaha, xeerarka soo jireenka ah (customary laws), iyo qawaaniinta hadda lagu dhaqmayo ee la xiriira biyaha wadaagga ah, iyo sidoo kale mabaadi’da laysku raacsan yahay ee ku saabsan isticmaalka biyaha, iyadoo la tixraacayo kala duwanaanshaha fikradeed ee caalamka ka jira.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee XFS, Maxamed Cabdullahi Faarax, oo si rasmi ah u daahfuray tababarka, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la barto shuruucda Caalamiga ah ee Biyaha, si loo horumariyo tayada biyaha, maadaama waddankeenu leeyahay wabiyo caalami ah. Ka qeybgalayaasha ayuu kula dardaarmay inay sida ugu wanaagsan uga faa’iideystaan fursadan.
Tababarkan ayaa socon doona shan maalmood wuxuuna soo xirmi doonaa maalinta Khamiista.