Muqdisho Soomaaliya – 30-ka Sebtembar 2025: Waxaa guul ku soo idlaaday Kulanka Iskudubaridka Barnaamijyadda Biyaha ee Soomaaliya kaas oo si habsami-leh uga qabsoomay magaalada Muqdisho, Soomaaliya 29ka ilaa 30ka Sep 2025. Kulankan oo sidoo kale lahaa qaybta fogaan-araga ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka kala socda Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka, Dawladaha Xubanha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bulshada Rayyidka ah, Deeq-bixiyeyaasha, Hay’adaha iyo NGO-yada iyo Bahwadaagta Caalamig ah ee Biyaha. Shirkan ayaa xoogga saaray qaabaynta maalgalinta mudada-dheer ee kaabayaasha biyaha iyo hannaanka maamul iyo maareyn ee kheyraadka biyaha.
Qorshaha Isbadalka Qaran ee (NTP 2025 – 2029) ayaa qeeexaya habraaca hagaya hananaka maaranyta biyaha dalka, fidinta adeegyada biyaha iyo maaraynta khataraha ku gadaaman kheyraadka ayaa meel weyn ka galaya taabba-gelinta Qorshaha Isbadalka Qaran ee NTP.
Intiii lagu guda jiray kulamada isku-xidhka bahwadaagta biyaha, waxaa u suurta gashay Wasaaradda Biyaha in ay soo bandhigto maalgalinta muda-dheer ee kaabyaasha biyaha dalka, taas oo saamayn ku yeelan doonta hirgalinta barnaamijyo ku dhisan iskaashi, wadashaqaynta qaran, maalgelin waarta oo ay qayb ka qaataan buslahda iyo ganacsatada dalka isla markaana gacan ka gaysata fulinta Qorshaha Isbadalka heer qaran iyo qorshayaasha kale ee horumarinta qaranka.







