Ra’iisul Wasaaraha oo Xarig-Jaray Munaasabadda Koronto Gelinta Goobaha Caafimaadka Dadweynaha

Muqdisho, Soomaaliya, Aktoobar 01, 2025:  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray korontogalinta Goobaha Caafimaadka Dadweynaha oo gaaraya 150 xarumood oo ku kala yaalla guud ahaan dalka Soomaaliya. Munaasabaddan muhiimka ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa lagu tilmaamay in ay noqotay mid si guul ah u mira-dhashay, gaar ahaan dhanka adeegyada caafimaadka iyo horumarinta bulshada, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro iyo mas’uuliin kala duwan iyo madaxda Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, iyo marti sharaf kale.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay isbeddellada la taaban karo ee korontogalintan ay horseeday. Waxaa la xusay in Cisbitaallada dadweynaha ee hore ugu bixi jiray lacag u dhaxaysa $500 ilaa $25,000 bishii si ay u helaan koronto aan la’isku haleyn karin, hadda ay heli doonaan koronto qorrax ku shaqeysa, bilaash ah, joogto ah oo nadiif ah, taas oo wax weyn ka tari doonta adeegyada caafimaadka iyo badbaadada nolosha dadka.

Munaasabadda ayaa lagu muujiyey kaalinta hoggaamineed ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, taas oo dadaal joogto ah ku bixisay hirgelinta hawshan. Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeeyey in guushan ay tahay tallaabo ka mid ah qorshe ballaaran oo lagu gaarsiinayo bulshada Soomaaliyeed adeegyo tamareed oo waara, si loo taageero caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada aasaasiga ah ee dalka

Previous SAWIRRO: Kulanka Isku-dubaridka Horumarinta Biyaha dalka oo Muqdisho Lagu Qabtay

Leave Your Comment

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved