Madaxda iyo Shaqaalaha oo isugu yimi Afur Wadareedka Sanadlaha ah si Xoojiyo Dadaallada wax looga qabanayo Abaarta dalka ka jirta

Caawa, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya ayaa qabatay Afur Wadareedkeedii Sanadlaha ahaa oo ay ka qeybgaleen hoggaanka sare iyo shaqaalaha Wasaaradda. Munaasabaddan oo sanad walba la qabto bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada, wadajirka iyo iskaashiga shaqo ee bahda Wasaaradda.

Kulankan ayaa sanadkan ku soo beegmay xilli ay dalka ka jirto abaar baahsan oo saameyn xooggan ku yeelatay bulshada iyo xoolaha. Hoggaanka Wasaaradda ayaa munaasabadda uga faa’iideystay dhageysiga aragtiyada shaqaalaha iyo mideynta dadaallada waaxaha kala duwan, si loo xoojiyo kaalinta Wasaaraddu uga jirto wax ka qabashada xaaladda abaareed.

Wasaaraddu waxa ay dardargelin doontaa hirgelinta xalal waara, iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa horumarinta, maareynta iyo ilaalinta kheyraadka biyaha, si si degdeg ah loogaga jawaabo baahiyaha taagan, gaar ahaan dhinaca biyaha iyo adeegyada aas-aasiga ah.

Previous Ceelka Aato waxaa ka faa’iideysan doona qiyaastii 3000 oo qoys

Leave Your Comment

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved