October 7, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS ayaa maanta qabatay kulan garab istaag loogu muujinayay Ciidanka Qaranka ee wada howlgalka ciribtirka khawaarijta ee uu hormuudka u yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xassan Sheikh Maxamuud.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ahna Kusimaha Wasiirka Wasaradda, Mudane Ibarahim Mohamed Ali ayaa waxaa qeyb Ka ahaa Agasimaha Guud Ee Wasaradda Abdirizaq Mohamed muhumad, Agaasime Waaxeedyada iyo Madaxda Mahariicda Waxaana la isla qaatay in si wada jir ah looga wada qayb galo la dagaalanka khawaarijta.
Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyradka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullahi Farax (Ciye) ayaa qayb ka ah abaabulka dib u xoraynta deegaanda ay khawaarijta kaga suganyihiin bariga Galgaduud halkaas oo isbuucyadii la soo dhaafay uu ka waday abaabulka ciribtirka khawaarijta.