“Ceelka Aaato ee la dayactirayo waxaa biyo nadiif ah oo la isku haleyn karo ka heli doona qiyaastii 3,000 oo qoys, sidoo kale waxa uu bulshada iyo xoolaha deegaankas ka taageeri doonaa in ay ka gudbaan abaarta hadda taagan,” waxaa sidaas yiri Liban Aw-Khalif, Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Koonfur Galbeed.
Agaasimuhu wuxuu tilmaamay in dayactirka iyo horumarinta ceelkan ay tahay tallaabo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo helitaanka biyaha la isku haleyn karo, gaar ahaan xilliyada abaarta iyo biyo-yaraanta.
Hoos ka daawo muuqaalka hadalka Agaasimaha iyo faahfaahin ku saabsan muhiimadda dayactirka Ceelka Aaato: