Wasiirka Wasaradda Tamarta iyo Kheyradka Biyaha XFS Xildhibaan Jama Taqal Abbas, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda. Mudane Mohamed Abdullahi Farax(Ciye) ayaa maanta hor tagay Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha shacabka waxaana uu warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha jira inta ba.
Kulanka oo uu guddoominaayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Abdillahi Abdi Mohamed (Geelqaad),
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in wasiirka su’aalo laga waydiiyo shaqada uu qaranka u hayo sida uu farayo Dastuurka iyo Xeerhoosaadkuba, Isla markaana Guddigu u guto waajibaadkiisa ka saaran Isla-xisaabtanka iyo Korjoogteynta.
Intaas ka dib, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha XFS Xildhibaan Jama Taqal Abbas ayaa si furan uga jawaabay su’aalo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen; hannaanka loo maray soo magaabistii Guddiga Hay’adda Korontada Qaranka, mashaariicda kala duwan ee ay wasaarraddu maamusho. Wasiirka ayaa shirka ka sheegay, wixii wasaaradda u qabsoomay intii uu joogay, sidoo kalena ka jawaabay su’aalihii la waydiiyey.
Wasiirka, ayaa ugu dambayntii guddiga uga mahadceliyey wada-shaqeynta iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin gudashada waajibaadkooda shaqo, waxaana uu si gaar ah u xusay in ka Wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin wada-shaqeyn dhab oo dhex marta labada dhinac.