Maareeyaha iyo Maareeye Xigeenka Haay’adda Koranta ayaa kulan Xog waraysi ah la yeesha Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha

Muqdisho: 31, Luuliyo.
Maareeyaha Hay’adda Korantada Qaranka Mudane Abdullahi Ahmed Dayib oo ay weheliyaan Maareeye Ku Xigeenka Hay’adda Mohamed Ibrahim Muuse, iyo sii hayaha Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Abdifatah Abshir Ibrahim, ayaa kulan laqaatay Unugga Fulinta Mashruuca Dib Usoo Kabashada Korantada Dalka (ILAYS).
Unugga Fulinta Mashruuca ayaa warbixinno ka siiyay Maareeyaha guulaha iyo waxqabadyada mashruuca iyo guud ahaan tamarta dalka, waxaa sidoo kale laga warbixiyay hawlaha hortabinta u ah mashruuca oo ay qayb ka tahay hirgalinta Sharciga Korantada Dalka iyo Xeer-nidaamiyeyaasha Tariifada iyo Rukhsadda Korontada oo ay Hay’adda Korantada Qaranka ku hawl gali doonto.
 
Unugga Fulinta ayaa dhanka kale ka warbixiyay habraacyada badqabka deegaanka iyo bulshada, hannaanka sharci iyo Qorshe hawleedka taabbagalinta kaalinta dumarka ee suuqa korontada iyo istraatijiyada xiriirka Mashruuca Dib Usoo Kabashada Korantada Dalka.
 
Ugu dambayn Maareeyaha Hay’adda Korantada Qaranka ayaa bogaadiyay Unugga Fulinta Mashruuca hawlaha ay qaranka u hayaaan. Maareeyaha ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu dardar galin doono hawlaha hortabinta u ah Hay’adda Korantada Qaranka.
Previous Wasiirka Wasaradda Tamarta iyo Kheyradka Biyaha XFS Xildhibaan Jama Taqal Abbas, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda. Mudane Mohamed Abdullahi Farax(Ciye) ayaa maanta hor tagay Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha shacabka waxaana uu warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda, waxyaabaha u qabsoomay

Leave Your Comment

Follow Us

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved