Daah-Furka Madasha Xidhiidhinta iyo Wadatashiga Daneeyayaasha Suuqa Korantada Soomaaliya

Moqadisho, Maarso 4, 2024: Maareeyaha Guud ee Haya’dda Korantada Qaranka Mudane: Abdullahi Ahmed Dayib ayaa Daah-furay Madasha Wadatashiga Xidhiidhinta iyo Isku Duwida shaqooyinka Horumarinta Tamarta Soomaaliya (Launching Event: Energy Sector Working Group).
Ujeedada guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya u aas-aastay Madashan ayaa ah: inay isu dudo, isla markaana xidhiidhiso wadatashiyada ay yeelanayaan daneeyayaasha ka shaqeeya horumarinta suuqa tamarta ee ay ka midka yihiin Wasaaraddaha Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee heer federal iyo Dowlad goboleed, shirkadaha bixiya adeega korantada, deeq-bixiyayaasha ka shaqeeya horumarinta tamarta Soomaaliya, Bulshada Rayidka ah, iyo macaamiisha hela adeega tamarta.
Madashan ayaa dib-u eegis ku wadajir ah sanadkii laba jeer (Joint Sector Review) ku samayn doonta suuqa tamarta dalka, sidoo kale waxay Madashu dib u qiimayn doontaa qorshaha istiraatijiyadeed Tamarta Qaranka. Madashan ayaa dhanka kale Qiimayn doonta mashaariicda horumarinta tamarta ee deeq bixiyayaashu maalgaliyeen (Donor Funded Energy Projects) Madashu waxay dib u eegis ku samayn doontaa mashaariicda horumarinta tamarta ee deeq-bixiyayaashu maalgaliyeen, iyagoo eegi doona in mashaariicdaasi ujeedooyinkii horumarineed (Projects Development Objectives) ee loo abuuray la gaadhay, iyo saamaynta ay ku leeyihiin horumarinta Tamarta dalka. Waxaanay sidoo kale Madashu ka shaqayn doontaa horumarinta maalgashiga tamarta dalka (Promotion of Energy Investment). Kulamada Madashan yeelan doonto waxaa shir-gudoomin doona Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee XFS Mudane: Abdullahi Hassan.
Munaasibada Daah-furka Madasha ayaa waxaa goob-joog ahaa Maareeyaha Guud ee Haya’dda Korantada Qaranka Mudane: Abdullhi Axmed Dayid, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane: Salah Ahmed Mohamed Hassan, Lataliyaha xafiiska Raysal wasaaraha Arimaha Bulshada Jamaal Xasan Ismail, Isu Duwaha Madasha Wadatashiga iyo Xidhiidhinta Daneeyayaasha Tamarta Dalka, Abdihakim Egeh Guled, Agaasimaha Tamarta ee Gobolka Banadir Mohamed Abdisalaam Ahmed, Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Gaadiidka, Tamarta, Hawada ee Golaha Shacabka.
Previous Munaasibada Xil-Wareejinta Agaasimaha Cusub iyo Agaasimihii Hore

Leave Your Comment

Follow Us

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved