Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyradka Biyaha XFS Mudane Jaamac Taqal Cabbas oo uu wehliyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Ibrahim Maxamed Cali ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimihii Guud ee Hore Wasaradda Mudane Cabdirisaq Maxamed Muhumed iyo Agaasimaha Cusub ee Wasaradsa Mudane Cabdullahi Xasan Aadan.
Agaasimaha Guud hore ee Wasaradda Cabdirisaq Maxamed oo ugu horreyn ka hadlay Munaasabadda ayaa sharraxay waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu xilka hayay, waxa uu sidoo kale u mahadceliyay madaxda Wasaaradda iyo Holwadeennada Wasaradda sida fiican ay ula sahqeeyeen.
Dhankiisa, Agaasimaha cusub ee Wasaradda Cabdullahi Xasan Aadan oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay hoggaanka Wasaaradda xilka loo igmaday, wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay shaqada uu qabtay Agaasimaha xilka ku wareejiyay isaga oo ka codsaday Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda in lala shaqeeyo sidii uu si hufan uguu gudan lahaa howshan qaran.
Wasiirka Wasaaradda mudane Jaamac Taqal Cabbas oo Munaasabadda xilwareejinta ka hadlay ayaa bogaadiyay howlaha uu soo qabtay Agaasimaha xilka wareejiyay, isla markaana soo dhaweeyay Agaasimaha cusub, kulana dardaarmay in shaqada halkeedii ka sii wado.
Sidoo kale, Munaasabada Xilwareejinta ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa , Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda iyo La-taliyaasha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS.