Date
October 6, 2022
Time
09:00 - 13:00
Location
Decale Hotel Mogadishu

Daahfurka Mashruuca Dib usoo Kabashada Korantada Soomaliya -ILAYS Somali Electricity Sector Recovery Project -SESRP

Mogadishu, Decale Hotel: Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha ee xukuumadda federaalka Soomaliya ayaa daahfurtay mashruuca dib usoo kabashada korantada dalka oo uu Baanka Aduunku Maalgaliyay. Mashruuca Hormarinta Korontada Dalka waxa uu aasaaska u dhigi doonaa kobaca shaqo abuurka dalka iyo sare u qaadista tayada iyo wax-soo-saarka maalgashiga suuqa tamarta.

Sidoo kale Mashruucu waxa uu dugsiyada iyo cusbitaalada danta guud siin doonaa adeegyo koronto oo laga dhaliyo ilaha tamarta is-cusboonaysiisa, taas oo saamayn wanaagsan ku yeelan doonta adeegga caafimaadka iyo waxbarashada ee guud ahaan dalka.

waxaa si rasmi ah u daahfuray mashruuca dib usoo kabashada korantada dalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Madaxa Baanka Aduunka ee Soomaliya oo uu wehelinayo wasiirka wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha Mudane Jaamac Taqal Abas.

Munaasibada daahfurka waxaa kasoo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha XFS, Shirkadaha bixiya adeegga Korontada, Xubno ka socda Bulshada Rayidka ah, Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta iyo kuwo kale oo badan ayaa ka qeyb galaya Munaasabadda ballaaran ee lagu daah furayo Mashruuca soo kabashada Korontada Soomaaliyeed.

 

Previous Water Sector Development Forum -Somalia

Leave Your Comment

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved