Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyradka Biyaha XFS Mudane Jama Taqal ayaa kulan la yeeshay shirkadaha ka shaqeeya Tamarta Solarka, kulankaas oo daarnaa is-xog waraysi ku saabsan howlaha Tamarta Solarka, qorshayaasha hortebinta u leh Wasaraadda iyo sidii shirkadaha doorkooda ugaga qaadan lahayeen Qaabeynta suuqa Korontada Wadanka.
Kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhagaysatay qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeeggayada Tamarta Solarka iyo Daladda Shirkadaha Tamarta iscusbooneysiisa, iyada oo sidoo kale meesha lagu soo bandhigay caqabadaha haysta Shirkadaha ka shaqeeya suuqa Tamarta Cadceeda dalka iyo sidii loogu wadashaqaynlahaa.