Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdirisaaq Maxamed Muxumed ayaa maanta shir wadatashi ah la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Dowlad Goboleed yada ee Wasaaradaha Biyaha.
Shirkaan oo u jeedkiisu ahaa jiheynta siyaasadaha Biyaha ee Jira ilaa heer Dowlad Goboleed, sidii loo mideyn lahaa iyo in laga wada tashto Habraacyada iyo siyaasadaha Biyaha ee maqan.
Waxaa kaloo diirada lagu saaray baahiyaha awood dhisida Shaqaalaha qeybta Biyaha ee loo baahan yahay, ayadoo lala kaashanayo hay’adaha gacanta Ka geysan Kara, ha ahaadeen kuwa gudaha ah amaba dibadda.
Sidoo kalana in xooga la saaro xog uruurinta ilaha Biyaha ee muhiimka u ah ogaanshaha goobaha laga Heli Karo biyo oo Ka qeyb qaadaneysa in si fudud loogu adeego dadka meelaha fog fog Dagan ee Biyaha u dhibka u qaba.
Ugu danbeyn, waxaa lagu balamay in wada shaqeynta heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed ba aad loo xoojiyo, si ay uga qeyb qaadato in si fudud bulshada Soomaaliyeed loogu adeego.