Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdirisaaq Maxamed Muxumed ayaa kulan Guud la yeeshay Shaqaalaha Waaxaha Kala duwan ee Wasaaradda.
Ujeedada kulanka loo qabtay ayaa ahaa in Hawl-wadeenada Wasaaradda loo soo gudbiyo, Isla markaana sharaxaad dheeri ah laga siiyo Habraacyada cusub ee shaqa galka oo uu dhawaan soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Intii kulanka lagu guda jiray ayaa waxaa si qoto dheer looga hadlay waxyaabaha Ku soo kordhay Shaqo galka, saacadaha la rabo in la shaqeeyo iyo sidii ay hawl-wadeenada Wasaaradda u sii dardar galin lahaayeen hawlahooda Shaqo.