Kulanka Madaxwaynaha iyo Waftigii Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha

Kismaayo, 30, Ogoosto, 2023, Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada Jubaland ku qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo Wasaaraddaha Tamarta iyo khayraadka biyaha ee Dowlad goboleedyada dalka. Waftigan waxaa hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha ee XFD Mudane Mudane Cabdirisaaq Maxamed Muxumed iyo Wasiirka wasaaradda biyaha iyo tamarta ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Agaasimaha Wasaraadda Mudane Abdirisaaq Mohamed ayaa madaxwaynaha uga warbixiyay ujeedada safarkooda iyo guud ahaan mashruuca dib usoo kabashada korantada dalka iyo heerka uu marayo, iyo waliba waxyaabihii qabsoomay.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa su’aalo ka waydiiyay hawlwadeenada wasaaradda ee uu hogaaminayo Agaasimaha guud dadaalada iyo qorshayaasha hortabinta u ah Tamarta iyo khayraadka biyaha. Ugu dambayn, madaxwaynaha ayaa bogaadiyay kuna booriyay dadaaladaasi socda.

 

 

Previous xuska maalinta xuriyada ee Munaasabadda 1da Luulyo ee 63-aad.

Leave Your Comment

Follow Us

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved