Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ayaa Kulan La Qaatay Wafti Heer Sare Ah Oo Ka Solda Xarunta King Salman Humanitarian Aid & Relief Centre

Muqdisho, 22-Oktoobar-2024: Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee XFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax, ayaa la kulmay wafdi heer sare ah oo ka socday Xarunta King Salman Humanitarian Aid and Relief Centre ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, wafdigaas oo uu hoggaaminayay Dr. Abdalla AlMoalim, Agaasimaha Qeybta Caafimaadka iyo Deegaanka.

 

Wasiiru-Dowlaha iyo madaxda hay’adda ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo kor u qaadista mashaariicda horumarineed ee lagu caawinayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan mashaariicda biyaha.Madaxda Xarunta King Salman Humanitarian Aid and Relief Centre ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonaan howlahooda ka faa’iideysiga wax soo saarka dalka, gaar ahaan biyaha iyo tamarta.

Sidoo kale, kulankan waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Cabdullaahi Xasan Aaden.

 

 

Ugu dambeyn, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee XFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax, ayaa uga mahadceliyey madaxda xarunta howlahooda ka socda Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu horreeyaan tamarta iyo biyaha. Wuxuu sidoo kale sheegay in wasaaraddu ay dhankeeda xoojin doonto wada-shaqeynta kala dhaxeysa Xarunta King Salman Humanitarian Aid and Relief Centre ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Previous Wadatashiga Dajinta Istiraatiijiyadda Dijitalaynta Adeegga Korontada Ee Soomaaliya

Leave Your Comment

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved