Wadatashiga Dajinta Istiraatiijiyadda Dijitalaynta Adeegga Korontada Ee Soomaaliya

Muqdisho, Oktoobar 7, 2024: Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan u diyaar garowga ka faa’iidaysiga teknoolojiyadda dijitaalka ah si loo dejiyo istiraatiijiyad lagu dijitalaynayo mini-grids-ka dalka. Ujeeddada istiraatiijiyaddani waa in la yareeyo kharashaadka korontada iyo in la horumariyo adeegga korontada ee dalka.Wadatashigan waxaa ka soo qaybgalay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, Wasaaradda Isgaarsiinta, Ha’yadda UNDP, shirkadaha bixiya adeegga korontada, shirkadaha ka shaqeeya tamarta qorraxda, shirkadaha isgaarsiinta gaarka loo leeyahay, jaamacadaha, iyo bulshada rayidka ah.

 

Ujeeddada wadatashigu waxay ahayd in xog iyo waayo-aragnimo la isweydaarsado si teknolojiyadda dijitaalka ah loogu isticmaalo horumarinta adeegyada tamarta. Intii uu socday, shirkadaha bixiya adeegga korontada iyo shirkadaha isgaarsiinta ayaa soo bandhigay noocyada dijitalka ah ee ay hadda isticmaalaan, iyagoo sharaxay sida tiknoolajiyaddaas casriga ah loogu faafin karo loogana faa’iidaysan karo si loo hagaajiyo adeeg bixinta loona dhimo kharashaadka.

Ka qaybgalayaashu waxay si qoto dheer uga doodeen doorka muhiimka ah ee teknolojiyadda dijitaalka ah iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada tamarta iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah.

 

 Waxay ka qaybqaateen dooddo ku saabsan sidii loo abuuri lahaa jawi u oggolaanaya in maalgashi ballaaran lagu sameeyo tamarta dalka iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah sida mitirrada casriga ah iyo hababka maareynta xogta tamarta.

Gebogebadii, wadatashigan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa istiraatiijiyad midaysan oo lagu horumarinayo adeegyada tamarta ee Soomaaliya, iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada dijitaalka ah ee casriga ah. Ka qaybgalayaashu waxay isku raaceen in la sii wado wada shaqeynta iyo qorsheynta si loo helo istiraatiijiyad dijitaal ah oo lagu horumariyo adeeg bixinta korontada dalka.

Previous Wasiir Bidhaan oo soo xidhay Shirka Hogaaminta Biyaha Qaranka Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu soo xiray

Leave Your Comment

Follow Us

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved