Hordhac:
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay halkan kusoo bandhigaysaa warbixinteeda sanadlaha ah ee ku mudaysan intii udhaxaysay Agoosto 2022 ilaa Agoosto 2024. Warbixintan waxa ay muujinaysaa guulaha muhiimka ah ee laga gaaray waaxaha tamarta iyo khayraadka biyaha, horumarka laga gaadhay mashaariicda waawayn ee deeq-bixiyayaashu maalgaliyeen ee Wasaaraddu fulinayso, iyo siyaasadaha la sameeyey iyo kuwa la hirgeliyey mudadaa 2 sano ah.
Waxqabadka iyo Horumarka Dhinaca Tamarta
- Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guulaysatay in ay aas-aasto Hay’adda Korontada Qaranka bishii July 2023, hay’addan oo nidaamisa suuqa korontada Soomaaliya, fulinaysa sharciga korontada qaranka, sidoo kale bixinaysa Rukhsadaha adeega korontada.
- .Sharciga Korontada Qaranka oo la ansixiyay horaantii sanadkii 202 kadib markii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Xasan Sheikh Maxamuud uu saxiixay
- Wasaaradda ayaa dhidibada u taagtay Madasha Wadatashiga iyo Xiriirinta Daneeyayaasha Suuqa Tamarta Soomaaliya, taas oo isku xirysa daneeyayaasha suuqa tamarta, shirkadaha bixiya adeegga korontada, iyo qabashada wadatashiyada lagu horumarinayo tamarta dalka.
- Wasaaradda ayaa dhamaystirtay nashqadaha 150 goobood oo caafimaad iyo 215 goobood oo waxbarasho oo loo xirayo solar iyo nidaamka kaydinta tamarta batteriga.
- Wasaaradda ayaa ku guulaysatay ku biirida suuqa korontada ee Bariga Afrika, taas oo ahayd guul weyn oo la gaaray sanadkii 2022.
- Daraasada Dib-u-qaabaynta Hanaanka Maamul ee Suuqa Korontada Soomaaliya, iyo xeer-nidaamiyeyaasha rukhsad bixinta iyo tariifada suuqa korontada.
- Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa dhistay Xarunta Tababarada iyo Hubinta Tayada Solarka, taas oo laga aflaxay 110 qof oo isugu jira injineero iyo farsamayaqaano ka kala socda shirkadaha tamarta cadceeda iyo shaqaalaha Wasaaradda.
- Wasaaradda ayaa sidoo kale fursad waxbarasho heerka labaad siisay 5 kamid ah shaqaalaha Waaxda Tamarta, kuwaas oo soo aflaxay.
- Wasaaradda ayaa diyaarisay isla markaana fulinaysa mashaariicda horumarinta tamarta, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mashruuca Dib-usoo kabashada korontada Soomaaliya(SESRP Project), Mashruuca Dardargalinta kor u qaadista helitaanka tamar cagaaran ee waarta ee Soomaaliya (ASCENT Project), Mashruuca Caawinta Farsamada iyo Dhismaha Awooda (TA Project), iyo mashaariicda kale sida Mashruuca Helitaanka Tamarta La Cusboonaysiin Karo ee Qoysaska iyo Horumarinta Teknolojiyada Cuntada (HAREACT Project) iyo mashruuca African Minigrid Project AMP.
- Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha oo fulinaysa mashariicda Tamarta ayaa rajaynaysa inay ka faa’idaysan doonan ugu yaraan dad lagu qiyaasayo ilaa 7 malyuun oo qof.
Waxqabadka iyo Horumarinta ee dhinaca Biyaha
Hordhac:
Waxqabadkan muhiimka ah ee Wasaaradda Kheyraadka Biyaha ayaa lagu gaaray 2022-2024, iyada oo la beegsanayo in la horumariyo adeegyada biyaha ee dalka si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan biyo nadiif ah iyo adeegyo hufan.
- Hirgelinta iyo Dayactirka Xarunta Hore ee Wakaaladda Biyaha ee Muqdisho:
- Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa dib u dayactirtay xaruntii hore ee wakaaladda biyaha ee Muqdisho, taas oo ka kooban in ka badan 50 xafiis. Xaruntan cusub ee dib loo hagaajiyay waxay kor u qaadi doontaa habsami u socodka shaqada wasaaradda iyo waaxyadeeda kala duwan, iyada oo suuragelin doonta gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday wasaaradda.
- Dhanka Qorshayaasha iyo Daraasadaha Maaraynta Biyaha:
- Wasaaradda ayaa dardargelisay fulinta qorshahe istiraatiijiyadeedka qaran ee kheyraadka biyaha.
- Sidoo kale Waxaa la diyaariyay Qorshaha Maaraynta Wabiga Shabelle.
- Waxaa la bilaabay diyaarinta qorshaha maareynta wabiga Juba iyo horumarinta daraasado lagu ogaanayo saamaynta isbeddelka cimilada ee biyaha wabiyada, kuwaas oo ay tahay in la wajahayo boqolka sano ee soo socda.
- Sidoo kale, waxaa la bilaabay Daraaso/mashruuc loogu diyaarinaayo xaaladaha biyo yaraanta ee soo foodsaartay 31 magaalo oo Soomaaliya ah.
- Casriyeynta Nidaamka Biyaha ee Dalka:
- Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa hirgelisay hanaanka isku xirka barnaamijyada biyaha dalka oo la yiraahdo “Water Sector Coordination Facility.”
- Intaa waxaa dheer, waxaa hirgalay nidaam online ah oo lagu kala hago mashaariicda biyaha ee dalka.
- Waxaa sidoo kale la dhisay nidaam casri ah ee hanaanka isku xirka kormeerka biyaha dalka sida wabiyada, biyaha dhulka hoostiisa kujira iyo roobka, kaas oo xafiiska wasaaradda lagala socdo.
- Kor u Qaadida Awoodda Laqabsiga Saamaynta Isbeddelka Cimilada ee Xoolo-dhaqatada:
- Wasaaradda ayaa dhammeystirtay daraasad lagu qiimeynayo dib u dayactirka iyo habeynta kaabayaasha biyaha, Sidoo kale, waxaa la dhammeystiray naqshadaynta iyo miisaaniyadda dib u dayactirka 12 ceel riig, 16 ceelal dhow, 20 barkado, iyo 8 biyo qabadyo.
- Dayactirka Ceelasha Goobaha La Xoreeyay: Waxaa la dayactiray 20 ceel oo ku yaalay degaanada laga xoreeyay kuwaas oo si weyn u saameyn doona adeegyada biyaha ee bulshada ku nool goobahaas.
- Sidoo kale, waxaa la dhisay darbiga ka hortagga fatahaadaha ee dhererkiisu yahay 400m oo laga hirgeliyay jiinka webiga Shabelle ee Baladweyne. Intaa waxaa dheer, beeraha calafka xoolaha oo baaxad ahaan ah 5 hektar ayaa laga hirgaliyay magaalooyinka Luuq iyo Caabudwaaq.
- Hirgelinta Biyo Galinta Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhaba:
- Wasaaradda ayaa ka hirgelisay biyo galin dhammeystiran magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhaba. Biyo galintan waxaa ka mid ah 20 ceel oo rig ah oo laga hirgeliyay magaaladda Baydhaba iyo hirgelinta kaydka biyaha magaaladda Yoontooy ee wabiga Juba.
- Hirgelinta Waxbarashada Heerka Labaad ee Takhasuska Isku-dhafan ee Maaraynta Kheyraadka Biyaha:
- Markii ugu horreysay ee Soomaaliya laga hirgaliyo Master Degree ah (MSC of Integrated Water Resources Management), waxaa hirgaliyay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, barnaamijkan oo ay ka faa’iideysteen 35 arday oo Soomaaliyeed kuwaas oo lagu soo xulay tayadooda iyo shuruudaha loo dejiyay barnaamijka.
- Sidoo Klae Wasaaraddu waxay diyaarisay daahfurtyna mashriic/Barnaamijyo cusub ay kamid ka yihiin:
- Mashruuca Abaartir (HOA Groundwater Resilience Project),
- Maaryenta isbedelka cimilada “Maaryenta”– Governance for adaptation to climate change (Jowhar Offstream Programme)
- Mashruuca La-qabsiga isbadalka cimila ee Biyaha labada wabi ee juba iyo Shabelle.
- Barnaamijka Sare u qaadiida Fayodhowrka Biyaha ee magaaldda Galkio, Qardho iyo Dolllow.
- Biyaha Nolosha (Water for Life) – Feasibility for (very) deep groundwater in Somalia