Muqdishu, 29, Juun 2024: – Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee XFS ayaa maanta qabatay tababar ballaaran oo ku saabsan nidaamka Maareynta Macluumaadka Tamarta ee dhawaan la sameeyay (Energy Information Management System). Tababarkan oo socon doona mudo 3 maalmood, waxaa ka soo qeyb galay shaqaalaha wasaaradda, iyada oo la adkeynayo muhiimadda ay nidaamkan u leedahay hagaajinta maareynta xogta tamarta dalka iyo saxnaanta xogta.
Isu-duwaha Mashruuca ee Bangiga Horumarinta Afrika uu maalgeliyo Maxamed Cali ayaa daah-furay munaasabadda iyadoo uu soo jeediyay hadallo furitaan ah, taas oo uu ku sheegay doorka muhiimka ah ee EIMS ee hagaajinta waxtarka iyo hufnaanta qaybta tamarta. Agaasimaha Waaxda Tamarta Cabdifatah Abshir Ibraahim ayaa isna ku xigay oo khudbad ka jeediyay, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda tababarkan ee ah in shaqaalaha wasaaradda lagu qalabeeyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah si ay si wax ku ool ah u adeegsadaan nidaamka Maareynta Macluumaadka Tamarta ee dhigitalka ah.
Ujeedada ugu weyn ee tababarkan ayaa ahayd in la baro shaqaalaha wasaaradda isticmaalka EIMS, taas oo u suurtogelin doonta inay si hufan u ururiyaan, u falanqeeyaan, una maareeyaan xogta la xiriirta tamarta. Nidaamkan ayaa la filayaa inuu hagaajiyo hannaanka maaraynta xogta, taageero go’aan-qaadashada xog ogaalka ah, uguna dambeyn ka qayb qaato horumarinta Tamarta ee Soomaaliya.