Kulanka Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Unuggyada Fulinta Mashaariicda Horumarinta ee Wasaaraddu Fulinayso

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Abdillahi Bidhaan Warsame ayaa kulan laqaatay Unugyada fulinta mashaariicda Horumarinta Tamarta iyo Biyaha ee deeq-bixiyayaashu Maalgeliyeen isla markaana Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyahu fulinayso.
Wasiirka waxaa kulan kaa ku wehelinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Mudane: Ibrahim Mohamed Ali, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Mudane: Mohamed Abdullahi Farah, Maareeyaha Haya’dda Korantada Qaranka Mudane: Abdullahi Ahmed Dayib iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Mudane: Abdullahi Hassan Aden, Isu Duwayaasha Mashaariicda Horumarinta Tamarta iyo Biyaha ayaa Wasiirka uga war bixiyay halka ay marayaan Mashaariicdaasi, guulaha la gaadhay iyo shaqooyinka qorshaysan:
I. Mashruuca Dib-usoo kabashada Korantada Soomaaliya (SESRP)
II. Mashruuca Dardargalinta kor u qaadista helitaanka tamar dib loo cusboonaysiinyo ee waarta ee Soomaaliya (ASCENT)
III. Mashruuca Abaar-Tir (Groundwater for Resilience Project)
V. Mashruuca Kor uqaadida Helitaanka Tamarta La Cusboonaysiin Karo iyo Teknoolojiyada Cunto Karinta Horumarsan ee Qoysaska (HAREACT)
VI. Mashruuca Kaalmada Farsamo iyo Dhismaha Awoodda ee Aasaaska Hay’adda Nidaaminta Korantada Tamarta (TA Project).
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa ugu dambayn u mahad celiyay Unugyada Fulinta Mashaariicda Horumarinta Tamarta iyo Biyaha.
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha waxaa ka go’an inay horumariso suuqa Tamarta iyo biyaha, si muwaadiniintu u helaan Tamar nadiif ah, la awoodi karo, ila markaana la isku halayn karo iyo biyo Nadiifa.
Previous Munaasibada saxiixa Midawga shirkadaha adeega korantada Magaalada Muqdisho Bixiya.

Leave Your Comment

Follow Us

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved