Munaasibada saxiixa Midawga shirkadaha adeega korantada Magaalada Muqdisho Bixiya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay kulan ay heshiis ay ku midoobayaan Shirkadaha bixiya adeegga koronta magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen, kana qabsoomay xarunta Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalka laga helo adeeg koronto oo ku filan dadka, taas oo ay awoodi karaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna hoosta xarriiqay in heshiiskan uu horseed ka noqon doono in adeegga korontada ee dalka dhinaca tayada is-bedel weyn k yimaaddo, ganacsatada Soomaaliyeedna ay fududaato hirgalinta maalgashiyo kala duwan.

“Dawladdu waxa ay u dejisaa xeerarkaan iyo siyaasadahaan si loo abuuro nidaamka suuqa furan ee ganacsiyadu ku tartamaan tayeynta iyo baahinta adeeggooda, iyo yareynta khasaaraha, kuwaas oo dhammaantood horseeda isku-filnaansho dhaqaale iyo kobaca waxsoosaarka“, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdillahi Bidhaan Warsame oo siinaya ahmiyadda kowaad in bulshada Soomaaliyeed helaan adeeg koronto oo lagu tashan karo, qiimeheeduna jaban yahay ayaa ku bogaadiyey shirkadaha sida ay uga go’an tahay in ay mideeyaan awoodooda wax-soosaarka koronta, waxa uuna ku adkeeyey in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gabagabeeyaan heshiiska rasmiga ah ee ay ku dhisayaan hal shirkad oo ay ku mideysan yihiin.

Heshiiskan Midweynta Shirkadaha Bixiya Adeegga Koronta waxaa kala saxiixday shirkadaha kala ah; Banadir Electricity Company (BECO), BlueSky Energy (BSE), iyo Mogadishu Power Supply (MPS).

Munaasabadda waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Gaani, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Maxamed Cabdullahi Faarax, Wasiirka Ku-Xigeenka Wasaaradda Ibraahim Maxamed Cali iyo Agaasimaha Guud Cabdullahi Xasan.

Previous Kulanka Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Shirkadaha Adeega Korantada Bixiya Magaalada Muqdisho

Leave Your Comment

Follow Us

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved