Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS Md. Abdullahi Bidhan oo ka qayb galay shir heer sare ah oo lagu qabtay Magaalada Barcelone ee dalka Spain

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS Md. Abdullahi Bidhan Warsame oo uu wehelinayay Maareeyaha Guud ee Haya’dda Korantada Qaranka Mudane: Abdullahi Ahmed Dayib iyo lataliyayaal sar sare oo Wasaaradda ka tirsan ayaa magaalada Barcelona ee dalka Spain kaga qayb galay shirwaynaha 24aad ee Tamarta Africa (Africa energy Forum).

kulankaas oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 20 wasiir oo ka kala socda wadamada Africa ayaa Wasiirku warbixino ka siiyay dadaalada Dowlada Federaalka Soomaaliya ku horumarinayso Tamarta dalka iyo sharciyada la meelmariyay ee lagu maamulayo laguna nidaaminaayo suuqa Tamarta Soomaaliya.

Shirkan oo soconayey mudo 3maalin ah ayaa lagu lafo guray horumarka Tamarta africa iyo sidii la isu waydaarsan lahaa aqoonta technologyadda.iyadoo kullanka diirada lagu saaray sidii ay shirkadaha Aduunku umaal gashan lahaayeen Africa.

Uggu danbayn Wasiirka Tamarta iyo khayraadka biyaha XFS Md.Abdullahi Bidhan Warsame ayaa kalmadiisa xidhitaanka shirka ka sheegay “in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay Aqbalida iyo marti galinta shirkadaha caalamka, waxa kale oo uu xusay in Soomaaliya ay ka jiran shirkado ka shaqeeya arimaha energy kuwaas oo la tartami kara kuwa Caalamiga ah”.

 

Previous Haya’dda Korontada Qaranka ayaa maanta qabatay kulan wadatashi oo ku saabsan hannaanka bixinta Rukhsadaha shirkadaha adeegga korontada

Leave Your Comment

Follow Us

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved