
Muqdisho, Soomaaliya โ 23 Oktoobar 2025: Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u bogaadineysaa Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha, ahna Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Dan-Qaran, kuwaas oo si aqlabiyad leh u ansixiyey ku biirista Soomaaliya ee Heshiiska Ilaalinta iyo Isticmaalka Webiyada iyo Harooyinka Caalamiga ah (1992), oo loo yaqaan Heshiiska Biyaha ee Qaramada Midoobay.
Ku biirista heshiiskan caalamiga ah waxay Soomaaliya u horseedaysaa fursado istiraatiiji ah oo dhinacyo badan leh:
Faaโiidooyinka Ku Biirista Heshiiska:
Ilaalinta Tayada iyo Tirada Biyaha Xuduudaha Dhaafsan
– Waxaa la xoojinayaa awoodda Soomaaliya ee ilaalinta tayada biyaha, iyadoo la yareynayo wasakheynta iyo waxyeellada deegaanka.
– Waxaa la horumarinayaa maaraynta tirada biyaha si loo hubiyo in ay ku filan yihiin baahiyaha bulshada, horumarka dhaqaalaha, iyo badbaadada jiilalka soo socda.
Iskaashi Wanaagsan oo Dalalka Wadaaga Webiyada
– Soomaaliya waxay si rasmi ah uga mid noqonaysaa madal caalami ah oo lagu wadaago xogta, farsamooyinka, iyo mashaariicda biyaha.
– Waxaa la dhisayaa xiriir adag oo lala yeesho dalalka dariska ah, taasoo horseedi karta iskaashi waxtar leh oo ku saleysan cadaalad iyo masโuuliyad wadaag.
Sumcad Caalami ah iyo Ka Qaybgal Firfircoon
– Ku biirista heshiiskan waxay muujinaysaa sida ay Soomaaliya uga goโan tahay ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo la shaqeynta beesha caalamka.
– Tani waxay sare u qaadaysaa sumcadda Soomaaliya ee dhinaca maaraynta biyaha, taasoo dhiirrigelin karta maalgelin iyo taageero caalami ah.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa ku tilmaamay goโaankan mid taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraya mustaqbal waara oo ku saleysan maarayn hufan, iskaashi goboleed, iyo ilaalinta kheyraadka biyaha ee la wadaago.
โ ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
