DAAWO: Sarkaalka Arrimaha Bulshada Mashruuca Abaartire oo tilmaamay in dayactirka Ceelka Aato yareyn doono culeyska abaarta taagan

Dayactirka iyo horumarinta Ceelka Aaato waxa uu dabooli doonaa baahida biyaha ee muddada dheer ka jirtay deegaanka, iyo sidoo kale abaarta hadda taagan,” ayuu yiri Yusuf Cali, Sarkaalka Arrimaha Bulshada ee Mashruuca Abaartire, mar uu ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga ceelka.

Mashruucan muhiimka ah ayaa loogu tala-galay in looga jawaabo baahida biyaha ee dadka iyo xoolaha deegaanka Aato, isla markaana uu noqdo mid waara oo ka duwan mashaariicdii hore. Dhagax-dhigga dayactirka ceelkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo muujineysa sida Mashruuca Abaartire uu uga go’an yahay horumarinta iyo xoojinta adkaysiga bulshada deegaanka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Previous Dayactirka iyo Horumarinta Ceelka Aato oo bilowday

Leave Your Comment

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved