Dayactirka iyo Horumarinta Ceelka Aato oo bilowday

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Koonfur Galbeed ayaa deegaanka Aato ee hoos timaada degmada Rabdhuure ka bilwoday dayactirka iyo horumarinta ceel muhiim u ah dadweynaha iyo xoolaha halkaas ku dhaqan.

Wasaaradda, waxaa fulinta mashruucan u xil-saaran Mashruuca Abaartire (HoA Groundwater for Resilience Project) oo uu maalgaliyo Bangiga Aduunka.

Dayactirka iyo horumarinta ceelka Aato waxa uu ku soo aaday xilli ay bulshada deegaanka baahi weyn u qabeen maadama ay wajahayaan abaar iyo biyo yari ba’an. Marka la dhammeytiro dayacrirka iyo horumarka ceelka, dadweynaha waxa ay heli doonaan biyo nadiif ah oo la’isku haleyn karo, taas oo sahli doonta in ay adkeysi u yeeshaan isbedelka cimilada, noloshaadana u maareeyaan sida waarta.

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS iyo kuwa heer dowlad goboleed, waxaa ka go’an in ay keenaan xal waara oo ay dhammaan bulshada Soomaaliyeed ku helaan biyo sugnaantooda la hubo.

Previous 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐦𝐚𝐫𝐭𝐚 & 𝐊𝐡𝐞𝐲𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐎𝐨 𝐊𝐚 𝐐𝐞𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐤𝐚

Leave Your Comment

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved