“Ceelkan waa hanti dadweyne,” ayay si wadajir ah u sheegeen hoggaamiyeyaasha deegaanka Aaato, iyagoo ku adkeeyey bulshada muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo, lana hubiyo in si siman oo caddaalad ah looga wada faa’iideysto.
Hoggaamiyeyaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in ceelkani yahay mid u adeegaya dhammaan bulshada, haddii ay ahaan lahaayeen qoysaska, xoolo-dhaqatada ah, ama beeraleyda, isla markaana uusan ahayn mid gaar loo leeyahay. Waxa ay xuseen in ilaalinta iyo maamul wanaagga ceelku ay door weyn ka qaadan doonaan joogtaynta biyaha iyo ka hortagga khilaafaadka ka dhalan kara isticmaalka kheyraadka.
Sidoo kale, waxa ay bulshada ku boorriyeen in la xoojiyo wadajirka, isla markaana la sameeyo hannaan wadajir ah oo lagu hubinayo dayactir joogto ah iyo isticmaal mas’uuliyad ku dheehan tahay. Tani waxa ay ka mid tahay dadaallada lagu dhisayo adkaysiga bulshada, gaar ahaan xilliyada abaarta iyo biyo-yaraanta.
Hoos ka daawo muuqaalka kelmedaha hoggaamiyeyaasha iyo fariintooda ku saabsan ilaalinta iyo wadaagga Ceelka Aato: