Date
September 29, 2023
Time
15:00 - 17:00
Location
Kismaayo Jubaland, Somalia

Kismaayo: 30 Agoosto, 2023: Shirka wadatashiga ansixinta warbixinta qiimaynta baahiyaha waaxyaha tamarta ee wasaaraddaha tamarta iyo khayraadka biyaha ee dawlad gobaleedyada iyo istiraatiijiyadda awood dhiska

 

Kismaayo: 30 Agoosto, 2023: Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha ee Dowlad goboleedka Jubaland oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha ee xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa soo xidhay Shirka wadatashiga Ansixinta warbixinta qiimaynta baahiyaha waaxyaha Tamarta ee Wasaaraddaha tamarta iyo khayraadka biyaha ee dawlad gobaleedyada iyo Istiraatiijiyadda awood dhiska.

Shirka Wadatashiga ayaa socday mudo 3 maalmood ah, waxaana goob joog ah agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha Tamarta iyo Khayraadka biyaha ee dowlad goboleedyada Jubaland, Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed Soomaliya. Ujeedada guud ee wadatashiga oo ahaa in la guud-maro lana ansixiyo warbixinta qiimaynta baahiyaha waaxyaha tamarta ee Wasaaraddaha Tamarta iyo khayraadka Biyaha ee dowlad gobaleedyada iyo Istiraatiijiyadda awood dhiska.

Shirkada latalinta ee HRPD ayaa soo jeediyay natiijooyinkii kasoo baxay warbixinta qiimaynta baahiyaha waaxyaha Tamarta ee Wasaaraddaha Tamarta iyo khayraadka biyaha ee dowlad gobaleedyada iyo istiraatiijiyadda awood dhiska. Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha tamarta iyo khayraadka biyaha ee dowlad goboleedyada ayaa talo soojeedin, waxka badal iyo dib u eegis kusameeyay natiijooyinkii kasoo baxay warbixinta qiimaynta baahiyaha waaxyaha tamarta ee wasaaraddaha tamarta iyo khayraadka biyaha ee dawlad gobaleedyada iyo istiraatiijiyadda awood dhiska.

Shirkada latalinta ee HRPD ayaa tixgaliyay isla markaana ku daray warbixinta dhamaan talooyinkii iyo waxka badal kii ay soo jeediyeen agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Tamarta iyo khayraadka biyaha ee dowlad goboleedyada dalka.

Ugu dambayn, Wasaaraddaha Tamarta iyo khayraadka biyaha ee Dowlad Goboleedyada iyo shaqaalaha farsamada ee Wasaaraddaha ayaa ansaxin doona warbixinta Qiimaynta Baahiyaha Awooda iyo Warbixinta Istaraatiijiyada Dhismaha Awooda Tamarta maalinta 3 aad ee wadatashiga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha

Mr. Abdirizak Mohamed Muhumed

Previous Somali Electricity Sector Recovery Project -Launching Event

Leave Your Comment

Follow Us

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved