Date
July 5, 2023
Time
15:00 - 19:00
Location
Mogadishu, Jazeera Hotel,

 

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda UNDP iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA) ayaa ka hirgelisay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxbarshada heerka labaad ee takahsuska Iskudhafka Maareynta Kheyraadka Biyaha (Master of Science in Integrated Water Resources Management) oo ah takhasuskii u horeeyay noociisa ah ee Soomaaliya laga hirgeliyo si loo helo kaadiriin Soomaaliyeed oo awood u leh maareeynta kheyraadka biyaha.

Wasaaradda oo kaashanaysa Kulliyada Taqasuska iyo cilmi baarista ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa si rasmi ah daahfurtay Takhasusuka Iskudhafka Maareeynta Kheyraadka Biyaha oo hadafkiisu yahay in la soo saaro aqoonyahano awood u leh maareeynta kheyraadka dalka si wax looga qabto caqabadaha waaweyn ee maareynta kheyraadka biyaha ee heer deegaan, heer qaran iyo heer caalami.

Iskudhafka maareeynta Kheyraadka Biyaha waa hab dhamaystiran oo loo maareeyo biyaha iyadoo la tixgalinaayo bulshada, dhaqaalaha, iyo deegaanka si loo dheelitiro baahida biyaha ee dhammaan isticmaalayaasha kala duwan. Habkani waxa uu midaynayaa qaybaha kala duwan oo ay ka mid yihiin maamulka biyaha, ilaalinta deegaanka iyo nabadgelyada. Waxay gacan ka geysan kartaa kor u qaadista isticmaalka biyaha waara, ka hortagga iska horimaadyada la xiriira biyaha, iyo xaqiijinta qoondaynta biyaha ee loo siman yahay.

Soomaaliya waxaa marwalba ka jira abaaro iyo fatahaado baahsan oo soo noq-noqda kuwaas oo saameyn ba’an ku yeesha nolasha malaayiin Soomaali ah sanad walba sababtana dhimashada dad iyo duunyaba, burbur hantiyeed, deegaan, kaabayaasha dhaqaalaha, iwm. Soomaaliya waxaa ka jira halis wadareed kala duwan oo isugu jira kuwa bani’aadmigu sameeyo iyo kuwo dabiici ah, oo ay ka mid yihiin fatahaado, abaaro iyo cudurro dillaaca. Dhibaatooyinka cimilada oo ay ka mid yihiin daadad iyo abaaro, ayaa ah kuwo soo noqnoqda marka isbeddelka cimiladu uu sii socdo.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa ku soo dhoweeyay marti sharafta ka soo qeyb gashay xafladda lagu daah furayay p borograamka Master ka oo ka dhacay Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho. Wasiiru dowlaha ayaa ku dheeraaday ujeeddada barnaamijkan, taariikhdiisa, iyo muhiimadda uu u leeyahay maamulka biyaha Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabad lagu daah furayay Master ka ayaa la wadaagay guulaha la taaban karo ee dhanka waxbarashada, isagoo iftiimiyay u diyaar garowga laga soo billaabo nidaamka diwaan gelinta ardayda illaa uu si habsami leh u soo dhammaaday simistarka koowaad. Gudoomiye ku xigeenka ayaa carabka ku adkeeyay sida hagar la’aanta ah ee ay jaamacaddu uga go’an tahay in ay keento heer waxbarasho oo tayo sare leh.

Wakiilka ka socday Hay’adda UNDP ee Soomaaliya ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Xafladda. Erayadiisa aad ayey ula dhacsanaayeen dadweynihii ka soo qeyb galay, isagoo ku nuux-nuux saday sida ay uga go’an tahay hay’adda UNDP horumarinta kheyraadka biyaha.

Mudane Faarax Cabdulqaadir , Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabad lagu daah furayay waxbarshada heerka labaad ee takhasuska iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha Wasiirka ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Wasaaradda, Jaamacadda Umadda iyo UNDP iyo SIDA sida sharafta leh ee ay u keeneen barnaamijkan Master-ka ah ee Soomaaliya, isagoo muujiyay ahmiyada uu leeyahay oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee dalka laga sameeyo,iyaga oo diirada saaraya maaraynta isku dhafka ilaha biyaha.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha , Mudane Jaamac Taqal Cabaas ayaa si rasmi ah u soo xiray xafladda isagoo u mahad naqay dhammaan kasoo qeyb galayaasha xafladda lagu daahfurayo waxbarshada heerka labaad ee taqasuska iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha. Wasiirka ayaa umahadceliyay dhammaan inta ka qeyb qaadatay hirgelinta barnaamijkaan oo muhiimad gaar ah u leh umadda Soomaaliyeed isagoo sheegay in Wasaaradda ay sii kordhin doonto taqasusyada kala duwan ee dhinacyada biyaha si dalka uu u helo biyo ku filan dalkan u gaaro horukac dhaqaale iyo barwaaqo. Wasiirka tamarta iyo kheyraadka Biyaha iyo Wasiirka Waxbarshada, hidaha iyo tacliinta sare ayaa si rasmi ah xariga ugu wada jaray waxbarshada heerka labaad ee takhasuska iskudhafka kheyraadka biyaha.

Leave Your Comment

Follow Us

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved