Ceel-biyoodka deegaanka Deg Elema ee hoostagta magaalada Dhoobley, ee ay dhawaan hirgelisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa hadda waxaa si toos ah uga faa’iideysanaya in ka badan 15 tuulo oo ay u badan yihiin haween iyo carruur.
Mashruuca Abaartire (HoA Groundwater for Resilience), waxa uu si muuqata u soo yareeyey safarradii dhaadheeraa ee biyaha loo doodan jiray isaga oo kordhiyey helitaanka biyo nadiif ah oo la’isku haleyn karo. Sidoo kale, waxa uu sare u qaaday badbaadada iyo caafimaadka bulshada deegaanka.
Ayan Said, oo ka mid ahayd wafdigii kormeerka ku tagay magaalada Dhobley ayaa wareysatay bulshada ku dhaqan Deg-Elema, kuwaas oo muujiyey in ay ku qanacsan yihiin adeegga biyaha ee ay hadda haleen, maadama markii hore ay dhibaato ku qabeen.
Ceel-biyoodkan waxa uu ka turjumayaa, sida marka jawaab degdeg ah oo wax ku ool ah laga bixiyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha dhawaan saameeyay gobollada dalka, in uu isaga tusaale u yahay sida iskaashi dowladeed uu u keeni karo xal waara.
Horumarka dhabta ah waa marka haweenka iyo carruurtu helaan adeeg aasaasi ah oo noloshooda beddelaya.








