Xuska Munaasabadda Maalinta Biyaha Adduunka.

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa maanta qabatay xuska munaasabadda Maalinta Biyaha Adduunka.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Mohamed Abdullahi Farah ayaa si rasmi ah u furah munaasabadda Maalinta Biyaha Adduunka oo sanad walba la xuso 22-ka maarso.
Wasiirka oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay maalintaan iyo in qof waliba mas’uuliyad ka saaran tahay beekhaaminta iyo ilaalinta badqabka Biyaha.
 
Wasiiru-dowlaha asagoo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha -JFS iyada oo waynaynaysa xuska maalinta biyaha aduunka oo gabi ahaanba laga xusayo aduunka waxay diyaarisay barnaamijyo lagu waynaynayo maalitan loo asteeyey xuska biyaha aduunka, iyada oo hadaba ka faa’idaysanaysa maalinta iyo muhiimadeeda waxay wasaraadu diyaarisay in la dayactiro ceelashii wax yeelada ka soo gaartay colaada iyo bara biyoodyo (Ceelal) cusub laga qodo deegaanada laga xureeyey”
Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday Hay’adaha Dowliga ah, daneeyayaasha arrimaha biyaha, ururada bulshada rayidka iyo haweenka iyo xubno ka socday jaamacadaha dalka.
 
dhamaantood waxay si wadajir ah u muujiyeen in lama huraan tahay beekhaaminta biyaha iyo in laga faa’ideesto kheyraadka biyo ee dhulka hoostiisa ku jira, si mustaqbalka looga hortago abaaro soo noqnoqda oo biyo la’aan sababtay.

Leave Your Comment

Follow Us

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved