Muqdisho, 22 Sebtember 2024: Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo uu hoggaaminayey Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta kormeer ku tagay isbitaallada ay dawladdu maamusho.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xubno wasiirro ah u xilsaartay kormeerka iyo ilaalinta isbitaallada ay dawladdu maamusho, iyadoo laga ambaqaadayo ajandaha xukuumadda “Dan-Qaran”. Waxaa la go’aamiyey inay lagama maarmaan tahay in bukaannadu helaan adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin, isla markaana la hubiyo tayada isbitaallada.
Wasiirrada maanta booqday isbitaallada waxay kormeer iyo qiimayn ku sameeyeen dhammaan waaxyaha kala duwan ee isbitaalladu ka kooban yihiin, iyagoo xog-ogaal ka noqday xaaladda caafimaad ee bukaannada yaalla.
Wasiirrada ayaa Alle uga baryey caafimaad dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ay booqdeen, iyagoo ballan qaaday in bukaannada loogu adeegi doono si habboon oo ku saleysan xaaladdooda caafimaad.
Ugu dambeyntii, madaxda isbitaallada ayaa lagu dhiirrigeliyey inay daryeelaan muwaadiniinta xanuunsan, si wanaagsan loogu adeego, lana ilaaliyo nadaafadda iyo tayada isbitaallada.