Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Mohamed Abdullahi Farah iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeyb galaya shirweynaha 3-aad ee Biyaha caalamiga ah ee Baqdaad, kaas oo Ka dhacaya caasimadda Dalka Ciraaq eeBaqdaad.
Shirka ayaa waxaa si rasmi ah u daah furay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Muhamed Shi’a Alsudani.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Mohamed Abduahi ayaa kulan doceed la yeelan doona wufuudda kala duwan ee shirka Ka soo qeyb gashay, si la isaga kaashado loogana wada shaqeeyo qorshayaasha waxqabad ee Wasaaradda ee mudnaanta leh oo ay ka mid yihiin horumarinta kaabayaasha Biyaha dalka.