Munaasibada Xilwareejinta Wasiirkii hore iyo Wasiirka Cusub Mudane Abdillahi Bidhaan Warsame

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame oo si rasmi ah ula wareegay xilka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa munaasabad ka qabsoontay xarunta Wasaaradda xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Jaamac Cabbaas Taqal.
Madasha ay xilka ku kala wareegeen labada Wasiir waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Saalax Axmed Jaamac.
Wasiirka xilka ka dagay Jaamac Taqal Cabbaas oo kelmado kooban madasha ka jeediyey ayaa ku dheeraaday shaqadii u qabsoontay Wasaaradda mudaddii uu xilka hayey, kuwana socda iyo hawl-karnimada shaqaalaha Wasaaradda.
Dhinaca kale, Wasiirka cusub, Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa isna dhiniciisa hadal-jeedin kooban oo uu sameeyey ku bogaadiyey Wasiirka uu xilka kala wareegay shaqadii quruxda badneyd ee uu qabtay, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in uu isna halkeeda ka amba-qaadi doono kuwa socda, kana shaqeyn doono in Wasaaraddu gaarto hiigsiyadii u dagsanaa.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa isna ku ammaanay Wasiirka xilka banneeyey, Jaamac Taqal hawlihii laf-dhabarta ahaa ee uu Qaranka u qabtay, waxa uuna kula dardaarmay Wasiirka Cusub in isaga oo ka faa’iideysanaya khibradiis dowladnimo uu ka dhabbeeyo ka gungaarista himilooyinka Wasaaradda.
Ugu dambeyn, waxaa madasha sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda JFS iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya
 
Wasiiru-dowlaha asagoo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha -JFS iyada oo waynaynaysa xuska maalinta biyaha aduunka oo gabi ahaanba laga xusayo aduunka waxay diyaarisay barnaamijyo lagu waynaynayo maalitan loo asteeyey xuska biyaha aduunka, iyada oo hadaba ka faa’idaysanaysa maalinta iyo muhiimadeeda waxay wasaraadu diyaarisay in la dayactiro ceelashii wax yeelada ka soo gaartay colaada iyo bara biyoodyo (Ceelal) cusub laga qodo deegaanada laga xureeyey”
Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday Hay’adaha Dowliga ah, daneeyayaasha arrimaha biyaha, ururada bulshada rayidka iyo haweenka iyo xubno ka socday jaamacadaha dalka.
 
dhamaantood waxay si wadajir ah u muujiyeen in lama huraan tahay beekhaaminta biyaha iyo in laga faa’ideesto kheyraadka biyo ee dhulka hoostiisa ku jira, si mustaqbalka looga hortago abaaro soo noqnoqda oo biyo la’aan sababtay.
Previous Kulanka Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Unuggyada Fulinta Mashaariicda Horumarinta ee Wasaaraddu Fulinayso

Leave Your Comment

Follow Us

Ministry of Energy and Water Resources © 2023. All Rights Reserved